Booliska Kenya oo soo bandhigay sawirka wiil dhalinyaro ah oo lagu eedeeyey qaraxii ka dhacay Nairobi.

December 16, 2013 - Written by Editor

qaraxNairobi:-Ciidamada Booliska Magaalada Nairobi ayaa maanta soo bandhigay masawirka wiil dhalinyaro ah oo da’diisa lagu sheegay 21-sano jir ah laguna magacaabo Xuseen Nuur Maxamed, waxayna ku eedeeyeen inuu ka dambeeyay qaraxii habeen hore ka dhacay magaalada Nairobi gaar ahaan agagaarka Saldhiga Pangani.

Qarax ayaa waxaa lala eegtay gaari kuwa BL-ka ah oo u kala goosha xaafada magaalada Nairobi.Qarax ayaa waxaa ku dhintay ilaa 8 qof oo 3 ka mid ah ay yihiin Soomaali waxaana ku dhaawacmay ilaa 25 qof waxaana dhaawacooda lagu dabiibayaa Cisbitaaladda magaalada Nairobi.

Taliyaha ciidanka Booliska magaalada Nairobi David Kimaiyo ayaa sheegay in Xuseen Nuur Maxamed lagu tuhunsan  yahay qaraxii habeenimadii sabtidii ka dhacay xaafada Pangani waxaana uu sheegay in ciidanka amaanka Kenya ay haatan gacanta ku hayaan su,aalana la weydiinayo .

Ciidamada Amaanka iyo kuwa Sirdoonka Kenya ayaa ilaa haatan ka gaabsaday dhalashada wiilka dhalinyarada ah ee maswirkiisa ay soo bandhigeen .Dilalka iyo qaraxyada ka socda dalka Kenya ayaa waxay kordheen markii ciidamada Kenya ay galeen gobalada J/hoose iyo Gedo iyaga oo sheegay in ay amaankooda khatar ku jiro ayna la dagaalami doonaan kooxda Al-Shabaab.

Hoos ka Daawo warbixin ku saabsan qaraxii shalay ka dhacay magaalada Nairobi

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online