DFS oo diyaarad Muqdisho ku keentay 131 ruux oo ku go’doonsanaa South Sudan

December 30, 2013 - Written by Editor

DSC02951Muqdisho:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dib ugu soo celisay Caasimadda Muqdisho 131 ruux oo qaxooti Soomaali ah , kuwaasoo ku dhibaateysnaa Magaalada Juba , halka qaar kalana ay ku go’doonsanaayeen Magaalada Bor ee Xarunta gobolka Jonglei ee wadanka South Sudan oo dagaalo dhiig badan ku daatay uu ka soconayo, kuwaasoo sababay geerida laba muwaadin oo Soomaali ah iyo dhaawaca mid kale .

Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Adam oo ku soo dhoweysay qaxootigaasi Soomaaliyeed garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxa ay sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay u kireysay diyaarad gaar ah oo lagu soo daabulo qaxootiga Soomaaliyeed ee dhibaatada kula soo gudboonaatay wadanka South Sudan , waxa ayna tiri ” Arrinkani waxaa lagu fuliyay amar uu bixiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Hassan Sheikh Mohamud oo ka damqaday dhibta iyo xaaladda murugada leh ee la soo gudboonaatay dadkeena ku nool South Sudan , Wasaaradda Arrimaha dibaduna waxa ay fulisay amarka Madaxweynaha “.

H.E. Fawzia Yusuf H. Adam ayaa waxa ay warfidiyeenada u sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya marnaba aaney ka gaabin doonin kaalinteeda badbaadinta iyo sare u qaadida qiimaha muwaadinka .

Qaxootiga maanta dib loogu soo celiyay wadanka ayaa farxad iyo ereyo taageero ah muujiyay markii ay arkeen muuqaalka Wasiir Fawzia Yusuf oo ku soo dhoweyneysa garoonka diyaaradaha , iyadoo ay wehliyeen Xildhibaano , mas’uuliyiin sar sare oo ka kala tirsan Wasaaradaha Arrimaha dibadda , Arrimaha gudaha , Booliska , maamulka garoonka iyo dowladda hoose ee Muqdisho.

Qaxootigani ayaa looga soo daabulay garoonka diyaaradaha basas ay leeyihiin Booliska Soomaaliya , laguna kala gaarsiiyay xaafadaha ay Muqdisho ka kala degan yihiin , halka qaar kale oo qoysaskooda aaney deganeyn Muqdisho ay Wasaaraddu dejisay hoteelo si ay nasiino u helaan kahor safarkooda gobolada dhexe iyo kuwa waqooyi ee dalka .

Talaabadani maanta dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaaday ayaa noqoneysa geedi socod cusub oo ku wajahan daryeelka iyo badbaadada nafta muwaadinka Soomaaliyeed , waxaana lagu wadaa n dib loogu soo celiyo dalka dad kale oo qaxooti Soomaali ah oo iska diiwaan geliyay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Juba – South Sudan.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online