Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo sheegay in xildhibaano uu soo saxiixay (Dhageyso)

December 24, 2013 - Written by Editor

Garaad  Saleebaan  Garaad MaxamedTaleex:-Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ah Issimada wax ka yagleelay Puntland ayaa sheegay in uu soo saxiixay ilaa 10 xildhibaan oo ka mid noqon doona xildhibaanada Baarlamaanka Puntland kuwaas oo ka soo jeeda beelaha degan gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa waxaa sidoo kale uu sheegay in 10 xildhibaan ee uu soo saxiixay ay ku biiri doonaa xubnaha ka mid noqon doona Baarlamaanka Puntland.

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa xusay in uu dhawaan imaan doono magaalada Garoowe balse waxaa uu sheegay in uusan oran karin maalin hebla.Xildhibaanada uu soo saxiixay Garaad Saleebaan ayaa waxaa uu sheegay in qaar ka mid ah xildhibaanada loo soo wakiishay in uu saxiixo.

Mar wax laga weydiiyay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed sidda uu u arko baaqyada ka soo baxay gaar ka mid ah Garaadada beelaha Sool , Sanaag iyo Cayn oo sheegay inay Puntland ka baxeen ayuu kaga jawaabay inuusan waxba kala socon warkaas wixii khaldan la sixi doono.

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa baaq u jeediyey Madaxweynaha Puntland iyo dhamaan Musharaxiinta Puntland waxaana uu ugu baaqay in ay ilaaliyaan amaanka iyo nabada ka jirta Puntland ayna ka foojignaadaan cid kasta oo shido wada ayna isku tanaasulaan.

Dhinaca kale Garaad Saleebaan ayaa sheegay dadka reer Puntland inay sharaf ku leeyihiin maamulkooda Puntland loona baahan yahay in ay ku faro adeygaan wuxuuna ka digay in Maamul la,aan dhacdo.

Baaqa ka soo baxay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa meesha ka saaray rajo xumo laga qabay in xildhibaanada ka soo jeeda gobollada Sool ,Cayn iyo Sanaag ay qeyb ka noqodaan baarlamaanka cusub ee Puntland.

Hoos Ka Dhageyso Wareysi uu siiyey Garaad Saleebaan Garaad Maxamuud Radio Daljir

M_MDeeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online