Issimada Puntland oo kulan uga furmay magaalada Garoowe Bayaana ka soo saaray[Cod/Masawiro]

December 16, 2013 - Written by Editor

8Garoowe:-Waxaa maanta kulan isigu yimid qaar ka mid ah Isimida Puntland waxaana uu kulankooda ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay 27-Isimo oo gobaladda Puntland ka yimid waxaana la filayaa Isimada dhiman ay maalmaha soo socda soo gaaraan Garoowe.Kulanka isimada ayaa waxaa uu socon doonaa inta doorashada Puntland ay dhamaaneyso waxaana shirka saaka Furay  Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ah isimada sida weyn looga qadariyo Puntland .

Isimada ayaa dhamaantood waxay ku baaqeen in wixii khilaaf ah ee u dhexeeya Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxmaan Faroole iyo Musharaxiinta ay ku dhameystaan wada hadal ayna dhowraan nabada iyo Amniga ka jira haatan Puntland.Gabgabadii Kulanka Isimada ee maanta ka furmay magaalada Garoowe ayaa waxaa laga soo saaray Bayaan ay Isimada uga hadlayaan xaalada Puntland iyo doorashooyinka ka dhici doona waxaana saxaafada u akhriyey Bayaanka Suldaan Bashiir Muuse Koonte.

no images were found

Bayaanka ay Isiminada Soo saareen oo nuqul ka mid ah soo gaaray Halgan.net ayaa waxaa uu u qornaa sida tan.

1:Isimadu waxay go’aamiyeen fadhiga isimada inuu si joogta u socdo inta lagu jiro marxalada kala guurka

2-Isimadda waxay soo dhawaynayaan inay wada kulmaan murashaxiinta iyo madaxwaynaha talada haye ee murashax ah,waxayna dhiiri galinayaan is-araga iyo wada hadalka murashaxiinta iyo madaxwaynaha.

3-isimdu waxay rajaynayaan kulanka murashaxiinta iyo madaxwaynaha inuu ku dhamaado is-afgarad iyo isi tanaasul iyo wixii dan ah dalka iyo dadka.

4-Isimadu waxay ugu baaqayaan umadda reer Puntland inay foogjinaadaan kana qayb qaataan amniga iyo xasiloonida si ay doorashadu noogu dhacdo jawi degan.

5-Isimadu waxay gudoomiyeen in la dhiso guddi isimo ah oo u xil saaran kormeerka doorashada iyo xiriirka isimada, isimada kalena marjac u yihiin wixii go’aamo ah waxaana gudigaas ay ka iman doonaan gobalada hoos ku xusan.

Gobalka Nugaal. Islaan Ciise Islaan Maxamed Shir gudoon.
Gobalka Bari. Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin
Gobalka Karkaar Islaan Maxamuud Islaan Yaasiin
Gobalka Mudug. Garaad Maxamed Cilmi Shirwac.
Gobalka Gaardufuu. Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin.
Gobalka Sanaag. Garaad Cabdilaahi Cali Ciid
Gobalka Haylaan. Suldaan Maxamed Suldaan Cabdilaahi Cartan.
Gobalka Cayn. Boqor Cabdilaahi Axmed Cali.
Xoghaye Suldaan Muuse Koonte.

Isimadda shirka goobjooga ka ahaa waxay kala yihiin.
1:Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin
2:Suldaan Bashiir Muuse Koonte
3:Boqor Cabdulaahi Axmed Cali
4:Suldaan Siciid Max’ed Garaase
5:Garaad Max’ed Cilmi Shirwac
6:Suldaan Max’ed Axmed Cabdulle
7:Beeldaaje Ismaciil beeldaaje Yaasiin
8:Suldaan Subayr Xaaji Max’ed
9:Ugaas C/xakiin Nuur Faarax
10:Suldaan Max’ud Xasan Cumar
11:Suldaan Max’ed Suldaan Cabdilaahi Cartan
12:Ku ismaha Ugaaska Cali Geelle
13:Ugaas Ibraahim Cali Shibiin
14:Caaqil max’ud Xaaji Cumar
15:Amiir Max’ud Yuusuf Ciise
16:Suldaan Daahir Maxamed Muuse/
17:Garaad Cabdilaahi Cali Ciid.
18:Boqor Cumar Ismaaciil Sanwalood.
19:Suldaan Daahir Suldaan Soote.
20:Garaad Cabdilaahi Maxamuud Tamaam.
21:Suldaan Khaalid Abshir.
22:Ugaas Cabdiqaadir Cilmi Filig.
23:Suldaan Cabdilaahi Axmed Nuur.
24:Suldaan Siciid Maxamed Irbad.
25:Islaan Maxamuud Islaan Yaasiin.
26:Suldaan Cabdilaahi Saalax Jeenacad.
27:Suldaan Aadan Guuleed.

Hoos ka Dhagayso kulan uga furmay maanta magaalada Garoowe Issimada Puntland

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online