Madaxweynaha Puntland oo magacaabay guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada Puntland.[Dhagayso]

December 3, 2013 - Written by Editor

KhilaafMadaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Farole ayaa maanta 03 Dec, 2013 waxaa uu digreeto ku magacaabay guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada, kuwaasoo ka kooban ilaa 8-xubnood. Guddiga uu saaka magacaabay Madaxweynaha Puntland Dr. Farole ayaa waxaa ay kala yihiin sida tan:-

1:Eng.Yuusuf Abshir Cadami Gudoomiye

2:Cismaan Guureeya Kaarshe Xubin

3:Egn.Maxamuud Axmed Xasan Xubin

4:Maxamed Cabdilaahi Faarax(Cillal) Xubin

5:Caaqil Cabdiraxmaan Axmed Xaaji Diiriye Xubin

6:Caaqil Abshir Cabdi-Raxmaan Caraale (Dhegacas) Xubin

7:Caaqil Siciid Xasan Xaaji Yuusuf (Warabacade) Xubin

8:Maxamed Cabdiqaadir Cismaan Xoghayn

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. C/raxmaan Faroole oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay sharci tahay in dowladda Puntland gaar ahaan madaxweynaha uu soo magacaabo guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada,sidaasi darteedna aysan waxba ka jirin hadalada ka soo baxaya qaar ka mid ah murashaxiinta u taagan xilka madaxnimadda Puntlland Digreetada ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa saxaafada u akhriyey Agaasimaha Madaxtooyadda Axmed Caydiid.

Dhinac kale musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Puntland oo saaka shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in madaxweynuhu uu wax wadatashi ah uusan kala yeelan magacaabista gudiga ansixinta ama khilaafaadka ee Baarlamaanka sidaas darteedna aysan aqbali karin wax aan laga wada tasha. Musharaxiinta shirka jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in ay kulan la qaadan doonaa Issimad Puntland oo ah hay’adda ugu sarayasa xiliga lagu jiro xaaladaan oo kale wax laga wada tashtayna si guud loo soo magacaabi doono iyagoo ugu baaqay madaxweynuhu in uu kalsooni muujiyo.

Hoos Ka Dhageyso Madaxweynaha Puntland oo Magacaabaya guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada Puntland

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online