Musharax Maxamed Cabdinuur Xirsi oo soo dhaweeyay xubnaha cusub ee Baarlamaanka Puntland.[Dhagayso]

December 31, 2013 - Written by Editor

Musharax Maxamed CabdinuurGaroowe:-Musharax Maxamed Cabdinuur Xirsi oo u tartamaya doorashadda Madaxtinimada Puntland ayaa soo dhaweeyay Liiska Xubnaha Cusub ee Baarlamaanka Dowladda Puntland ee Guddiga Xalinta khilaafaadka iyo Ansixinta Baarlamaanku ay ku dhawaaqeen.

Musharax Maxamed Cabdi Nuur oo shir Jaraa’id Maanta ku qabtay gurigiisa magaaladda Garoowe ayaa u hambal yeeyay Xildhibaanadda Cusub ee Baarlamaanka, Waxaana uu sheegay inuu ka qayb qaadan doono Doorashadda Madaxtinimada Puntland ee 8 Janaury 2014.

“markii aan fiirinay xaaladda ay Puntlnad ku jirto iyo baahida loo qabo in doorasho ka dhacdo Puntland, lana helo isbedel siyaasadeen, waxaan go’aansanay inaan ka qayb-qaadano doorashada dhacaysa bisha Jan. sideedda, 20014” ayuu yiri, Wuxuuna sii raaciyay “Waxaan u hanbalyeynayaa dhammaan xildhibeenada cusub ee ku soo biiray golaha wakiilada iyo kuwii hore ee ku soo noqday.

Waxaanna u sheegaynaa inay maanta haysataan fursad aan soo mari-doonin shanta sanno ee soosocda , waxaanna ku leenahay uga faa’iideeya Puntland, kuna fura karaan meel wanaagsan. Anigoo aaminsan inaad ka bixi kartaan xilkaas weyn ee dhabarka la idin saaray.” Ayuu yiri Gees kale, Musharax Maxamed Cabdinuur Wuxuu sheegay in Xukuumadda Puntland ee Talada haysa ay Xadgudub ku samaysay Xubnihii sharciga ahaa ee ay soo dirsadeen beelaha Puntland Qaarkood, taasi oo uu cambaareeyay

“Xukuumadda Puntland xad-gudub ku samaysay xubnihiin ay soo dirsadeen beelaha Puntland qaarkood, bedeleena xubnihii ay sida sharciga ah usoo dirsadeen, sidaas awgeed waxaan canbaaraynaynaa xaq-daradaas foosha
xun ee lagu sameeyey beelaha, waxaanna ka raali gelinaynaa beelahaas xud-gudubka lagu sameeyey.” Ayuu yiri

Ugu Dambayntii, Musharax Maxamed Cabdinuur Xirsi Wuxuu ugu baaqay Dadweynaha Reer Puntland Meelkasta oo ay joogaan inay Ilaaliyaan Xasiloonida iyo Nabadgelyadda.

Xafiiska Warfaafinta ee Musharax
Maxamed Cabdi Nuur Xirsi

 

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online