Musharaxiin ka horyimid guddiga khilaafaadka ee uu magacaabay Madaxweynaha Puntland.[Dhagayso]

December 3, 2013 - Written by Editor

3Garoowe:-Ilaa Afar musharax oo ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxweynanimada Puntland ayaa waxaa ay si wada jir ah shir jaraa’id ugu qabteen magaalada Garoowe ay ka horyimaadeen gudiga ansixinta iyo khilaafaadka ee doorashada oo saaka uu magacaabay Madaxweynaha Puntland.

Musharaxiinta  shirka jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa waxaa ka mid ahaa Dr.Cali Xaaji Warsame, Maxamed Cabdi Nuur, Cabdullaahi Muuse Aw-Cali, iyo Cali Xaaji Cabdulle. Musharaxiinta ayaa waxaa warsaxaafadeedkooda jeediyey Dr Cali Xaaji Warsame oo ah musharaxiinta ugu miisaanka culus waxaan uu xusay in gudiga ansixinta iyo khilaafaadka ee doorashada ee uu magacaabay Madaxweynaha Puntland aysan waafaqsanay wax talo ahna aan laga gelin xili ay ku sugan yihiin musharaxiinta magaalada Garoowe oo ah xarunta Puntland.

Musharaxiinta ayaa sheegay in ay soo magacaabayaan gudiga ansixinta iyo khilaafadka doorashada Puntland iyagoo kala tashan doona madaxweynaha Puntland , waxgaradka iyo Issimada Puntland si ay Puntland uga dhacdo doorasho xalaal ah loogana fogaado waxkasta oo abuuray khalkhal siyaasadeed.

Diidmada ka soo yeertay musharaxiinta ayaa ku soo beegmaysa xili saaka uu Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan Faroole  uu magcaabay guddi ka kooban 8 xubnood oo uu madaxweynuhu uu ku tilmaamay mid dastuuri ah oo uu xaq u leeyahay in uu magacaabo.

Hoos ka Dhageyso Musharaxiin ka horyimid guddiga khilaafaadka ee uu magacaabay Madaxweynaha Puntland

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online