Waa sidee caawa xaalada magaalada Garoowe ee xarunta Puntland

December 30, 2013 - Written by Editor

garoweGaroowe:-Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa sheegaya in heegan la galiyey ciidamada amaanka Puntland qeybahooda kala duwan waxaana caawa si weyn loo adkeeyey Amaanka  guud ee magaalada Garoowe waxaana magaalada raxanraxan u socda ciidamo ka tirsan Daraaawiishta Puntland kuwaas oo ka amarqaata Taliyaha howl-galka amaanka xiliga doorashada Puntland Jen Saciid Dheere .

Waxaa kale oo ay ciidamada kala duwan ee Puntland ay adkeeyeen amaanka Hotelada ay degan yihiin Issimada  ,Nabadoonada Puntland iyo Musharaxiinta waxaana caawa yar isku socodka magaalada Garoowe iyada oo hadal heynta ugu badan ay tahay ku dhawaaqida guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta baarlamaka cusub ee Puntland liiska xubnaha cusub ee golaha baarlamaanka Puntland .

Hotelada Garoowe ayaa galabta ilaa caawa waxaa ka socda kulamo gooni gooni ah oo ay leeyihiin Musharaxiinta u tartamaya madaxtinimada Puntland iyo Issimada waxaana maalinta birito ah la filayaa in Musharaxiinta iyo  Issimada ay ku dhawaaqaan mowqifkooda ku aadan liiska xubnaha cusub ee golaha wakiilada ee ay caawa ku dhawaaqeen guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta baarlamaka cusub ee Puntland iyadoo wararka hordhac ah ay sheegaan in musharaxiintu ay aqbalin doonaa Liiska cusub ee Golaha wakiilada ee Puntland.

Waxaa maalinta Birito lagu wadaa in la dhaariyo xubnaha cusub ee Baarlamaanka Puntland si ay u doortaa shir gudoon ka dibna ay doortaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Dadweynha ku dhaqan Puntland ayaa ku kala argtiyo duwan liiska xubnaha cusub ee golaha wakiilda Puntland taas oo lala xiriirnayo kala aragti  duwanaanta Issimida Puntland waloow ay dhamaantood ka siman yihiin ilaalinta nabadgalyada Puntland iyo in waxwalba oo khilaafa lagu dhameeyo wada hadal.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online