Wafdi culimo ah oo uu hogaaminayo Sh Axmed Cabdisamed Cabdille oo tegay Buuhoodle.[Masawiro]

December 6, 2013 - Written by Editor

DSC01163Buuhoodle:-Shiikh Axmed Cabdisamed oo socdaalkiisa ay ku weheliyeen culimo kale oo caanka ah deegaanada Soomaalida oo ay ka mid yihiin Shiikh Axmed Maxamed Saleebaan, Shiikh Maxamuud Salaad Warsame & xubno kale ayaa kormeeray markii ay gaareen Buuhoodle goobaha muhiimka ah ee waxbrashadda ayna gacanta ku hayso dacwada gobolka Cayn Markazka Buuhoodle, sidda dugsiyada dhexe, kuwa sare & Machaahida diiniga ah ee Buuhoodle.

Ugu horayn waftiga culimada ah ayaa booqashadooda ka bilaabay Machadka shareecada ee gabdhaha ee Umusalama, halkaas oo lagu barto Culuunta shareecadda Islaamka, Luuqadda Carabiga & Aqoonta maadiga ahba, Culimadda ayaa waxaa halkaas ku qaabilay Xaaji Cali Cabdalle Cumar oo ah maamulaha Machadka Umusalama isagoo warbixin ka siiyey Machadka & marxaladihii kale duwanaa ee uu soo maray mudadii uu shaqaynayey.

no images were found

Intaas ka dib Culimada ayaa tegey dugsiga hoose Dhexe ee Abubakar Sadiiq iyadoo halkaas uu kusoo dhoweeyey Axmed Maxamed Ismaaciil (Axmed Case) oo ah maamulaha dugsigaasi, Culimada ayaa galay qaar ka mid ah fasalada dugsiga iyagoo baraarujin usameeyey ardayda dhigata Iskuulka Abubakar Sadiiq.

Gaba-gabadda wajiga koowaad ee kormeerkooda ayay culimadu ku tageen dugsiga Sare ee Hawd Secondary School Buuhoodle  kaasoo ay dhigtaan ardayda ugu badan ee Iskuulada sare ka dhigata Buuhoodle, Shiikh Axmed Cabdisamed oo hogaaminayey waftiga ayaa galay afarta fasal ee Iskuulku ka kooban yahay iyadoo uu wehelinayo Shiikh. Mukhtaar Axmed X Faarax oo ah maamulaha guud ee dugsiga Hawd.

Shiikh Axmed Cabdisamed ayaa sheegay in socdaalkoodu ku qotomo siddii ay ugu kuurgali lahaayeen xaalada waxbarasho iyo dacwo ee  ka jirta deegaanka Buuhoodle, isagoo aad u bogaadiyey shaqadda ay hayaan bahda waxbarashada Buuhoodle gaar ahaana culimada dacwada ee jamaacada oo meel fiican gaarsiiyey barashada diinta Islaamka.

Isku soo wada duuboo socdaalka uu Buuhoodle ku yimid Shiikh. Axmed Cabdisamed Cabdille oo ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaaliya ayaa ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah oo uu ku yimaado magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn.

Halgan.net
Buuhoodle

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online