Wargeyska Independen oo qoray in Abu Hamza Al-Masri uu si hoose ula shaqaynayey M15
May 8, 2014 - Written by EditorLondon:-Warbaahinta dalka Ingriiska gaar ahaan Joornaalka caanka ah ee Independenta ayaa saaka waxaa uu qoray in Mustafe Kaamil (Abu Hamza Al-Masri) oo ahaa imaan Masjid ku yaal xaafadda Finsbury Park ee magaalada London in mudo ahna ku xirnaa London markii danbena loo gacan geliyey Maraykanka uu la shaqaynayey Ciidanka Sirdoonka ee dalka Ingriiska ee loo yaqaan M15 sidda uu xusay Qareenkii difaacayey Abu Hamza Al-Masri.
Abu Hamza Al-Masri oo ahaa imaankii Masjid ku yaal Xafaadda Finsbury Park ee magaalada London ayaa dhowr jeer waxaa la soo taagay Maxkamada ku taal magaalada New York ee dalka Maraykanka iyadoo lagu eedeeyey in uu maleegayey shirqool la doonayey in lagu afduub Dalxiisayaal ku suganaa dalka Yemen 1998 iyo in uu u diray xubno ka tirsanaa Al-Qaacida magaalada Oregon si ay tababar ugu qaataan iyo in uu saaciday ururka Dalibaan ee ka dagaalama Afganistaan.
Qareen ka difaacayey Abu Hamza Al-Masri ayaa waxaa uu ka codsaday xeer ilaaliyaha Maxkamada New York inuu soo bandhigo cadaymo muujinaya in Abu Hamza Al-Masri uu la shaqay nayey ciidanka Sirdoonka Ingriiska ee loo yaqaan M15 taasna ay sahashay in gacanta lagu dhigo xubno isaga raacsanaa oo si daacad ah u taageersanaa ururka Al-qaacid iyo Dalibaan taasna ay sabab u noqtay in London ay noqoto amaan. Abu Hamza Al-Masri ayaa si aad ah u diidanaa in qaraxayo laga fuliyo gudaha magaalada London .
Xeer ilaaliyahah Maxkamada New York ayaa ku gacan sayray in Qareenka difaacayey Abu Hamza Al-Masri uu soo bandhigo cadaymahaan uu ka hellay ciidanka Sirdoonka M15 sidda uu ku doodayey Qareenku.
Ilaa hadda ma jirto wax qiraal ka yimid dhinac Abu Hamza Al-Masri oo ah in uu la shaqay nayey sirdoonka ciidanka Ingriiska M15 marka laga reebo hadalka uu Qareenkiisu ka hor sheegay Maxkamada oo ahaa in uu hayo cadaymo gaaray 50 baal oo ka yimid ciidanka Ingriiska ee M15 oo cadaynaya in Abu Hamza Al-Masri ay wada shaqayn dhex martay ciidanka Sirdoonka Ingriisa ee M15.
Wararka ay qoreen warbaahinta kale duwan ee dalka Ingriiska ayaa waxaa ay muujinaysaa oo shaki weyn galinaysaa xubno badan oo sheegta in ay raacsan yihiin ururka Al-qacid iyo kooxaha la fikriga ah in ay si hoose ula shaqaystaan Sirdoonka caalamka si ay u gacan geliyaan dhalinyaro badan oo si daacad ah u taageera ururka Al-qaacid iyo kooxaha la fikriga ah. Halkaan ka eeg qoraalka uu ka qoray joornaalka Independenta Abu Hamza Al-Masri. Ama Halkan BBC
C/Casiis Maxamed
Source : Independenta , BBC-da
Halgan.net, London