Ayaan Darane Cali C/sacuud Maxamed ”Xeydarah” Taliyaha labada Aag Miyaa W/Q Sh.Shibli
May 3, 2014 - Written by EditorWaxaan qormadan 4aad ku soo qaadanaynaa qiso aad u yaab badan oo aad ila wadaagi doontaan qeybaheeda kala duwan ee aan soo bandhigi doono. Waxaan ka codsanayaa aqristaha in uu iigu dulqaato dheerarka qisadan oo hadii laba jeer la kala qoran kala dhantaalmaysa, haddii la is raaciyo hal marna dheeraanaysa kase fiican in ay kala dhantaalanto.
Qissada Oo Qodobaysan:
Cali C/Sacuud Maxamed ” Xeydarah”: Waa nin Masar u dhashay, hadana ku nool meel Maraykanka ka mid ah. Aabihii ayaa ahaa sarkaal ciidamda, waxyna taasi fursad u siisay in uu helo waxbarasho tayo leh, waxuu si fiican ugu hadli jiray luqadaha Carabiga, English-ka, French-ka & Cibriga (Luqadda Yuhuuda), waxay arrintaasi siisay mudnaan gaar ah iyo in uu fursado banda helo. Waxuu ku biiray ciidamada Masar, wax uu ka mid ahaa ciidamo Marakanku si gaar ah u tababaray, waxaana loo diyaariyay ilaalinta mas’uuliyiinta iyo dublamaasiyiinta. Waqtigii la dilay Anwar Al-Saadaat 1981, waxuu tababar u joogay Maraykanka, xerada ciidamda ee “Fort Bragg” ka dib markii uu qabsaday Xusni Mubaarak ayuu ka mid noqday saraakiil yar yar oo laga saaray shaqadii ciidamada 1984, ayagoo looga shakiyay fikir Islaami ah hase ahaatee lama xirin. Halkaan ka Akhriso Qaramadii 4aad ee Ayaan Darane oo PDF ah , Halkaan ka Akhriso Qaramadii 4aad ee Ayaan Darane oo WORD ah.
Qisadan waxaa ku lifaaqan file ku qoran carabi oo ah meelaha aan ka soo xigtay, si qofkii aqrin kara faahfaahin dheeraad ah uga helo. Halkaan ka eeg Qisadaan oo ku qoran Luqda Carabiga
Qore/ Sh. Mohamuud Shibli –
03/05/2014 Nairobi – Kenya