Boqor Burhaan Boqor Muuse oo Qado sharaf u sameeyey Issimadii ka qayb galay Caleema-saarkiisa[Masawiro]
May 26, 2014 - Written by EditorQardho:-Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa waxaa maanta qado sharaf uu u sameeyey dhamaan Issimadii Soomaaliyeed iyo wufuudii ka socotay Puntland ,Jubbaland, Jabuuti , Yeman iyo Dowladda degaanka Soomaaliyeed ee Itoobiya DDIS ee ka qayb galay Caleema-saarka shalay ka dhacay magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar. Qado sharafta uu sameeyey Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa waxaa ay ka dhacday halka loo yaqaan Haro-geenyo oo dhanka galbeed kaga beegan magaalada Qardho una jirta ilaa 10km.
Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa Qado sharafta wxaaa uu ugu mahadcelinayey dhamaan Issimadi ka qab galay Caleema-saarkiisa waxaan uu ugu duceeyey umada Soomaaliyeed Midnimo iyo in Alle quluubtooda isku soo jeediyeyo.
Goobta lagu qabtay qado sharafta ayaa waxaa ay ahayd madal aad u qurxoon ka dib roob ka da’ay degaanada ku xeeran magaalada Qardho iyadoo goobta lagu arkayey Fardo fara badan oo gobolka Karkaar ay ku yihiin caan.
Wufuud ka qayb gashay qado sharafka uu sameeyey Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa waxaa ka mid ahaa wafdigii dowladda Puntland ee uu hogaaminayey Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiqweli Maxamed Cali Gaas oo iyagu qayb libaax ka qaatay in xaflada caleema-saarku ay ku dhacdo si nabadgelyo ah.
no images were found
M_M_Deeq
Halgan.net