Ciidamada ammaanka ee maamulka KMG ah ee Jubba oo howlgalo ka wada Kismaayo

May 10, 2014 - Written by Editor

Dekedda-KismaayoKismaayo:-Ciidamada ammaanka ee maamulka KMG ah ee Jubba ayaa maanta howlgallo  ka sameeyeen xaafadaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose waxaana ay gacanta ku soo dhigeen  28 qof kuwaas oo looga shakiyey in ay ka tirsan yihiin kooxaha amniyaadka ee Al-Shabaab kuwaas oo dilal ka geystay magaalada Kismaayo.

Taliyaha ciidanka maamulka KMG ee Jubba Kismaayo Col. Goobaale Xasan Barre ayaa la hadlay warbaahinta wuxuuna ka warbixiyey qaabkii loo soo qabtay 28 qof kuwaas oo uu sheegay in ay qaarkood ku howlanayeen sameynta qaraxyada iyo hub sharci daro ah.

Ciidamada amaanka ee Maamulka KMG ee Jubba ayaa wili wada howlgalada saaka ka bilaawday magaalada Kismaayo waxaana ay howlgalada ka socda Kismaayo ay qeyb ka tahay sugida amaanka magaalada Kismaayo.

Maamulka KMG ee Jubba ayaa ciidamo dheeraad ah dajiyey qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Kismaayo  si ay uga hortagaan kooxaha amaan xumida ka wada Degmada Kismaayo

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online