Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo howlgalo ka wada degmada Yaaqshiid

May 1, 2014 - Written by Editor

howlgaloMuqdisho:-Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa saaka howlgalo baaritaano ah ka bilaabay xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir waxaana howlgalada lagu soo qabtay dad tiro badan kuwaas oo lagu xiray Saldhiga Degmada Yaaqshiid .

Dadweynaha ku dhaqan Degmada Yaaqshiid ayaa saaka ku waabariistay ciidamo badan oo ka tirsan kuwa DFS iyo kuwa AMISOM oo xiray isku socodka Isgeyska Degmada Yaaqshiid iyo xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada.

Saraakiisha ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaan ilaa haatan ka hadli howlgalada ka socda Degmada Yaaqshiid kuwaas oo lagu qabtay dhalinyaro aad u tiro badan waxaana howlgalada aan loo meeldayin ka sheegtay shacabka ku dhaqan Degmooyinka magaalada Muqdisho iyaga oo ku eedeeyey ciidanka DFS in ay lacago madax furasho ah ka qaataan dadka ay soo xiraan.

Howlgalada saaka ay ka wadaan Degmada Yaaqshiid ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa waxay saameyn ku yeelatay isku socodka dadweynaha ,ardayda u socday iskuulada iyo ganacsiga.

Saraakiisha ciidanka DFS ayaa sheegay in howlgalada ka socda Degmada Yaaqshiid ay qeyb ka yihiin sugida amaanka magaalada Muqdisho .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online