Ciidanka badda Puntland PMPF oo gacanta ku dhigay Kaluumaysto iyo 4 dooni oo sharci daro ah
May 7, 2014 - Written by EditorBaargaal:-Ciidamada badda ee dowladda Puntland PMPF oo howlgalo ka sameeyey xeebta Gobolka Guardafu ayaa gacanta ku dhigay ilaa 4 dooni oo si sharci daro ah uga kaluumay sanayey Xeebta Baargaal ee ee gobolka Guardafu. Ciidanka Badda Dowladda Puntland PMPF ayaa markii ay qabteen 4 dooni ee sidda sharci darada uga kaluumaysanayey xeebta Baargaal waxaa saarnaa ilaa 62 qof oo shaqaalo Yemaniyiin ah iyo 7 dhalinyaro Soomaali ah oo ilaalo u ahaa.
Afarta dooni ee la qabtay ayaa waxaa laga leeyahay dalka Yemen waxaan ay dhibaato iyo xaalufin ku wadeen xeebaha bariga fog ee ku yaal gobolka Guardafu iyagoo cabashooyin dhowr ah u soo gudbiyey dowladda Puntland.
Taliyaha ciidamada badda dowladda Puntland Gen.Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo la hadlay saxaafadda ayaa waxaa uu aad ugu mahadceliyey shacabka reer Baargaal oo qayb weyn ka qaatay in ay ku soo wargeliyaan ciidanka badda ee Puntland 4 dooni ee sharci darada uga kaluumaysana yey xeebaha badda Puntland.
Taliyaha ciidamada badda dowladda Puntland Gen.C/risaaq Diiriye Faarax ayaa u sheegay saxaafadda in ay sharciga la tiigsan doonaa 4 dooni iyo shaqaalihii saarnaa waxaan uu taliyuhu xusay in ay weli jiraan doonyo laga leeyahay dalka Iran iyo Yemen oo si sharci daro uga kaluumayta xeebaha Puntland.
Ma ah markii ugu horaysay oo ciidamada badda Puntland ay qabtaan doonyo si sharci daro ah uga kaluumaysanaya xeebaha Puntland kuwaas oo dhibaatooyin fara badan ku haya dadka rayidka ah ee ka kaluumaysta xeebaha Puntland si ay macayshadooda uga soo saaraan.
M_M_Deeq
Halgan.net