Ciidmada Sierra Leone ee ku sugan Soomaaliya oo codsaday in dalkooda dib loogu cesho.
May 11, 2014 - Written by EditorKismaayo:-Wargeyska lagu magacaabo Africareview ayaa waxaa uu qoray maanta in Ciidmada Sierra Leone ee ku sugan gobalka J/hoose ee Sooomaaliya kana mid ah ciidamada AMISOM ay codsadeen in dalkoodii dib loogu cesho.
Wargeyska oo soo xiganayey askar ka tirsan ciidanka Sierra Leone ayaa sheegay in ciidamada Sierra Leone ay ka cabanayaan arimaha ay ka mid yihiin
1-Mushaarkooda oo aysan u heli si la simad kuwa Ugandha 2-dagaalka joogta ay kula jiraan Al-Shabaab 3- Cudur xaga dhimirka oo ku dhacay qaar ka mid ah ciidamadood.
Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga ee Ciidmada Sierra Leone , Col Michael Samura ayaa wax laga weydiyey codsiga ka imanaya askarka Ciidmada Sierra Leone ee ku sugan Soomaaliya wuxuuna sheegay in isbadal ay ku sameyn doonaan ciidamadooda bisha June 2014 ayna qeyb ka ahaan doonaan howlgalada ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM,
Ciidmada Sierra Leone ayaa waxaa ay ku soo biireen howlgalada ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM sannadkii 2013 waxaana ay ka howlgalaan gobalada Jubooyinka.
Halkan Ka Akhriso qoraalka uu wargeyska Africareview ka qoray Ciidmada Sierra Leone
C/Casiis Maxamed
Halgan.net