Dagaal ka dhacay Beled-xaawo oo sababay Khaaso leh dhimasho iyo dhaawac

May 13, 2014 - Written by Editor

dagaalGedo:-Ciidamo iska soo horjeeda ayaa maanta ku dagaalamay gudaha magaalada Beled-xaawo waxaana dagaalka uu sababay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac. Dagaalada maanta ka dhacay magaalada  Beled-xaawo ee ku taala xadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxay u dhaxeeyaan Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil iyo maleeshiyo taabacsan guddoomiyihii hore ee degmada Doolow C/rashiid Janan waxaana ilaa haatan ku dhintay 5 qof halka qaar kale ay ku dhaawacmeen.

Taliyaha amniga Degmada Beled Xaawo Maxamed Wali ayaa ku eedeeyey dagaalka ka dhacay gudaha magaalada Beled xaawo ciidamo ka yimid Degmada Doolow kuwaas oo u horkacayey guddoomiyihii hore ee degmada Doolow C/rashiid Janan. Khilaafka isku badalay gacan hadalka ayaa waxaa uu salka ku hayaa in ciidamo ka soo jeeda gobalka Gedo gaar ahaan beledxaawo ay ku kala qeybsameeen in ay ka mid noqdaan Maamulka KMG ee Juba uu Madaxweynaha u yahay Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe.

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online