Dowlada Kenya oo sheegtay in ay Musaafirin doonto 95 qof oo Soomaali ah

May 20, 2014 - Written by Editor

tarxiil-kenyaNairobi:-Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegay in laanta socdaalka ee dalka Kenya ay go,aansatay in ay 95 qof oo Soomaali ah ay ka musaafiriso dalkeeda kuwaas oo in mudo ah ku xirnaa xabsi ku yaalla garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi

Safiirka dalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in dowlada Kenya ay soo gaarsiisay xafiiska Safaarada in 95 qof oo Soomaali ah laga musaafirin doono maanta magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kuwaas oo isigu jira haween ,caruur iyo waayeel.

Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa sheegay inay wax ka og yihiin qorshaha 95 qof dib loogu celinayo dalkoodii hooyo wuxuuna qiray in ay jiraan Soomaali badan oo ku jira xabsiyada kala duwan ee dalka Kenya .

Madaxda DFS ayaa in badan ku celiyey in dowalada Kenya ay xaq u leedahay in dalkeeda ay soo tarxiisho cid aan heysan waraaqaha aqoonsiga ee lagu joogo dalkooda waxaana ay ka codsadeen shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya in ay raadsadaan sharciyada lagu joogi karo dalka Kenya .

Dowlada Kenya ayaa dhowr mar oo hore dalkeeda ka tarxiishay Soomaali qoxooti ah oo dalkooda ku sugnaa iyaga oo ku andacooonaya in ay sugayaan amaankooda.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online