Dr.Cali Khaliif Gallaydh oo laga waraystay ciidamo S/land ah oo soo galay Saax-Dheer [Dhagayso]
May 18, 2014 - Written by EditorLaascaanood:-Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamo ka socda Somaliland ay saaka waaberigii galeen tuulada Saax-Dheer oo 90km dhinaca koonfur galbeed ka xigta magaalada Laascaanood. Sidda uu BBC Somali u sheegay nin u hadlay ciidanka Somaliland ujeedada ay u galeen tuulada Saaxdheer waxay ahayd sida uu yiri, inay ka soo qabtaan R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo uu ku eedeeyay inuu isku dir iyo nabadgelyo darro ka wada deegaankaasi.
Wuxuu Afhayeenku intaas ku daray in ciidankoodu eryadeen gaadiid uu watay Dr. Cali Khaliif Gallaydh. Haddaba waxaa noo suurta gashay inaan la hadalno Dr. Cali Khaliif, waxaana uu sheegay in ay been ay tahay hadalka wax uu ugu yeeray “maamulka Soomaali-diidka ah”.
Cali Khaliif waxa uu sheegay in muddo ahba inuu ku sugnaa degaanka isla markaana ay doonayaan sidii ay u qabsan lahaayeen shir weyn guud ee degaanka Khaatuma.
Hoos ka dhagayso Weriyaha BBC Farxaan Maxamed Jimcaale uu la yeeshay Dr Gallaydh.
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/5g3vgbcppm/gallerydh.mp3]Source: BBC