Dr Haani Subaaci oo caay kula dul dhacay Afhayeenka Daacish .(Dhageyso)

May 13, 2014 - Written by Editor

HaaniLondon:-Xaalada ka dhex aloosan wadaadii Takfiirka in badan la qeylin jiray iyo Kooxda Daacish oo si wanaagsan u hergalineysa Manhajka Takfiirka ayaa cirka isku shareeray waxaana ay isla marayaan in ay isku caayaan Twitterka iyo Face book halka qaarkood ay rido isku xukumayaan .

Mid ka mid ah tusaale kuugu filan halka uu marayo dagaalka ka dhex aloosan kooxda Khawaarijta ee Daacish iyo Taageerayaasha Amiirka Al-Qaacida Dr Ayman ayaa waxaa ka mid ah dagaalka ka dhex aloosan mid ka mid ah Takfiiriyiinta waaweyn ee ku dhaqan magaalada London oo lagu magacaabo Dr Haani Subaaci iyo Afhayeenka Daacish Abu Maxamed Al-Cadnaani ka dib markii uu tacliiqiyey Dr Haani Subaaci laba fariin oo uu soo saaray Afhayeenka Daacish Abu Maxamed Cadnaani kuwaas oo kala ahaa (ما كان هذا منهجنا ولن يكون) iyo ((عــذراً أميـــر القـاعــدة) oo ahayd fariintii ugu danbeysay oo uu soo diro afhayeenka kooxda Daacish. Halkan ka Akhriso (ما كان هذا منهجنا ولن يكون)

Dr Haani Subaaci ayaa tacliiqiyey fariinta ugu danbeysay oo uu soo diray Afhayeenka Daacish oo cinwaankeeda uu ahaa (عــذراً أميـــر القـاعــدة) waxaana uu si aad ah u aflagaadeeyey Afhayeenka kooxda Daacish Abu Maxamed Cadnaani waxaana uu isticmaalay erayo aad u fool xun mana haboona qof wax saxaya in uu aad ugu xadgudbo qofka muslinka ah waloow aan muran ka taagneyn inxiraafka kooxda Daacish .Halkan ka eeg Fariintii Cadnaani عــذراً أميـــر القـاعــدة

Dr Haani Subaaci ayaa ku tilmaamay Afhayeenka kooxda Daacish Cantar Al-Zawaabirii oo ahaa amiirka kooxdii Jamaaca Islaamiya ee ka jirtay dalka Al-Jeeriya kaas oo laayey 500 oo qof oo isigu jiray culumo,saraakiil Mujaahidiin ahaa iyo shacab aad u tiro badan ,Dr Haani Subaaci ayaa waxaa kale oo ku sifeeyey Afhayeenka Daacish in uu la mid yahay Madaxweynihii dalka Libiya Mucamir Al-Qadaafi!

Dhanka kale kooxda Daacish ayaa aad ugu weeraray Twitterka Dr Haani Subaaci waxaana lagu faafiyey qormooyin tiro badan oo ay qaarkood si doqon maragarato ah u gaaleysiinayaan waxaana ka mid ah qormooyinkaas lagu radiyey ( رد عادية السباعي وطارق عبد الحليم ، وما في بيانهما من كذب وجهل وتدليس) oo lagu faafiyey twitterka ka dib markii ay Dr Haani Subaaci iyo Dr.Dhaariq Cabdilxaliim oo ku nool dalka Canada ay bayaan ka soo saareen kooxda Daacish Halkan ka Akhri Bayaankoodii

Hoos ka Dhageyso Dr Haani Subaaci oo Tacliiqinaya Fariintii uu soo Diray Afhayeenka Daacish oo ay ka buuxdo Aflagaado waan manhajkii lagu yiqiin kooxaha Takfiirka.

Dr Haani Subaaci ayaa si cad u gaaleysiiyey Xisbu Al-Nuur ee dalka Masar Hoos ka Dhageyso

Waxaa uu sidoo kale uu si cad u gaaleysiiyey hogaanka Ururka Xamaas ee dalka Falastiin wuxuuna diiday in xitaa loo duceeyo maantana isagii baa ka cabanaya Gaaleysiin iyo xadgudub.

Hoos ka Dhageyso Dr Haani Subaaci oo Gaaleysiinaya Hogaanka sare ee Ururka Al-Xamaas ee dalka Falastiin

Su,aashu waxay tahay yaa xaq u leh wax gaaleysiinta waxaa ka jawaabay alaha u naxariistee Sheekh Dr Axmed Xaji C/raxmaan oo ay dileen kooxaha Amniyaadka Al-Shabaab oo ka amar qaata Axmed Godane .

Hoos ka Daawo Sheekh Dr Axmed Xaji C/raxmaan raximahulaah


C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online