Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ka hadlay qaraxii ka dhacay Baydhabo

May 12, 2014 - Written by Editor

jawaariMuqdisho:-Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sh.Cusmaan Jawaari ayaa uga tacsiyadeeyey shacabka reer Baydhabo falkii argigixisanimo ee ay argigixisadu la birtilmaameedsadeen maanta shacab aan waxba galabsan. Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, ugu horeyn anigoo ku hadlaya magaceyga,magaca Madax weynaha Jamhuuriyadda, magaca Gudoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaan halkaan tacsi uga dirayaa shacabka reer Baydhabo aniga oo uga tacsiyadeynaya falkii argigixisanimo ee lagu dhibaateeyey shacab aan waxba galabsan, sidoo kalena waxaan Alle ka baryayaa in inta ku dhaawacntay uu Alle caafimaad siiyo”

Ugu dambeyntii Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu baaqay shacabka,ciidammada Qalabka Soomaaliyeed iyo Ciidammada AMISOM iney iska kaashadaan sugidda amnigooda si loo hor istaago falalka noocaan ah ee lagu daadinayo dhiiga shacabka muslimiinta ah ee aan waxba galabsan.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha
ee Gudoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker
Email:- Media@parliament.gov.so

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online