Hoobiyaal xalay lagu duqeeyey xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
May 2, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay hoobiyaal lagu garaacay xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir waxaana hoobiyaasha lagu weeraray Jaamacaddii hore ee Gaheyr oo ay saldhig ka dhigteen ciidamada AMISOM.
Hoobiyaasha lagu weeraray xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ku dhintay afar qof oo rayid ah ka dib markii ay ka weecdeen saldhiga lagu weeraray waxaana ku dhaawacmay in ka badan 10-qof
Ciidamada AMISOM ee saldhiga ka dhigtay Jaamacaddii hore ee Gaheyr ayaa tiro Madaafiic ah ku jawaabay waxaana xalay magaalada Muqdisho laga maqlayey madaafiicda ay iska dhaafsanayaan ciidanka Al-Shabaab iyo kuwa AMISOM-
Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa saaka baaritaano ka sameeyey xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir waxayna soo qabteen dhowr qof oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.
A/Cawale
Halgan.net