Issimo, Garaado, Cuqaal, Siyaasiyiin galabta gaaray magaalada Qardho[Masawiro]
May 24, 2014 - Written by EditorQardho:-Magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar ayaa waxaa ay la ciirciiraysaa wufuud fara badan oo ka kala timid gobollada dalka soomaaliya iyo dibadiisa si ay uga qayb galaan Caleema-saarka Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse oo maalinta beri ah lagu caleema saari doono magaalada Qardho.
Wufuud ka qayb galaysa Caleema-saarka Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ee soo gaaray ilaa hadda magaalada Qardho ayaa waxaa ka mid ah issimo, Cuqaal ka kala yimid dowladdda degaanka Soomaalida Itoobiya DDSI, Jubbaland , Puntland iyo dalka Yemen.
Inta badan Issimada waaweyn ee wax ka soo dhisay Puntland kana soo jeeda Gobollada Bari Nugaal , Mudug , Karkaar , Sool Sanaag iyo Cayn ayaa soo gaaray magaalada Qardho, waxaa xusid mudan in Issimo beesha daarood ay iyaguna soo gaareen magaalada Qardho inta badan.
Waxaa la filayaa in maalinta beri ah ay Issimo si weyn looga yaqaan Koonfurta dalka Soomaaliya ay soo gaari doonaa magaalda Qardho iyadoo qaban qaabad wufuudaas laga dareemayo Garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.
Issimada waaweyn ee ilaa galabta soo gaaray magaalada Qardho oo aad u fara badnaa ayaan waxaa magacyadooda hellnay ilaa hadda.
1. Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam oo kasoo kicitimay gobolka Sanaag
2. Garaadka Guud ee beesha Tanade Daarood Garaad Diini oo ka yimid Boosaaso
3. Suldaanka guud ee Meheri Suldaan Ismaaciil Sidaaln Cabdalla Xuseen Bin Ciise oo ka yimid dalka Yemen
4. Garaad Jaamac Garaad Cali iyo wafdi uu hogaamiyano ka yimid magaalada Taleex
5.Garaad Jaamac Garaad Ismail iyo wafd la socda.
Dhinac kale waxaa maalinta beri ah laga sugayaa magaalada Qardho Issimo ,Cuqaal iyo Nabadoono ka imaan doonaa magaalada Garoowe ee caasimada Puntland halka magaalada Muqdisho ay ka imaan doonaa isla beri Issimo si weyn looga qadariyo Soomaaliya iyo siyaasiyiin caan ka ah dalka Soomaaliya.
no images were found
M_M_Deeq
Halgan.net