Khudbadii Jimce ee Masjidka Al-Rowda ee Boosaaso Sh.Daahir Aw Cabdi.[Dhagayso]
May 6, 2014 - Written by EditorBoosaaso:-Sheekh.Daahir Aw Cabdi oo ka mid ah Culimada waaweyn ee dalka Soomaaliya aadna loogu xasuusto Masjidkii Ceel hindi ee magaalada Muqdisho ayaa mar kale maanta waxaa uu ka jeediyey khudbadii Jimce Masjidka Rowda ee magaalada Boosaaso isagoo Sheekhu uu ka hadlay sidda ay xishood darada u faaftay iyadoo heshay goobo lagu soo bandhigo ayna ugu horayso warbaahinta sidda Tv-da iyo warbaahinta kale.
Sh.Daahir Aw Cabdi ayaa xusay in watigaan ay ay xishood daradu ay noqotay wax caadi loo qaato taas oo sababtay in Zinadu ay iska faafto lana waayo wax ciqaabad dadka ku howlan wax shareecadu ay reebtay ayna ugu horayso waxyaabah xunxun. Sh.Daahir Aw Cabdi ayaa dadweynihii Khubadda dhagaysanayey waxaa uu dareensiiyey qaabka ay shareecadda Islaamku ugu hortagtay wax walba oo fududueyn kara in ay faafto xumaantay ay ugu horayso Zinada qofkii arrimaas ku dhacna ay shareecadu ay marsiinayso wax uu muteystay.
Sh.Daahir Aw Cabdi ayaa waxaa uu sheegay in haddii ay Zinada , iyo Ribaddu ay faafto oo deg degto ciqaabka Alle sidaas darteedna loo baahan yahay in alle loo laabto oo danbiyada waaweyn laga fogaado. Sheekh.Daahir Aw-Cabdi ayaa uga digay dadweynaha in ay ka foojignaadaan dagaalka ay hay’adduhu ku wadaan shacabka Soomaaliyeed oo ay ugu horayso in ay faafiyaan Zinada iyagoo qaybinaya walxaha sahla Zinada sidaas darteenda uu Sheekhu si adag uga digay in lagu kadsoomo kuna baaqay in dadku ay foojignaadaan.
Hoos ka Dhageyso Khudbadii Jimcaha ee Masjidka Al-Rowada Sh. Daahir Aw Cabdi
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/u12v0k7vvo/Khudbada_Jimcaha_Sh.Daahir_Awcabdi1.MP3]
Halgan.net