Khudbadii Jimce ee Masjidka Al-Rowda ee Boosaaso Sh.Daahir Aw Cabdi.[Dhagayso]

May 9, 2014 - Written by Editor

IMG_2200Boosaaso:-Sheekh.Daahir Aw Cabdi oo ka mid ah Culimada waaweyn ee dalka Soomaaliya aadna loogu xasuusto Masjidkii Ceel hindi ee magaalada Muqdisho ayaa mar kale maanta waxaa uu ka jeediyey khudbadii Jimce Masjidka Rowda ee magaalada Boosaaso isagoo Sheekhu uu ka hadlay sidda ay Xumaadta u fiday ay gaartay in Ragga ay wax iska doonaa arrintaas oo lagu halaagar reer Luud.

Sheekh. Daahir Aw Cabdi ayaa xusay in waqtigaan ay ay xishood daradu ay noqotay wax caadi loo qaato taas oo sababtay in xumaanta ay fido taas oo sababtay in dadku ay halaagsamaan oo uu alle ciqaab u soo dedejiyo. Sh.Daahir Aw-Cabdi ayaa xusay in reer Luud lagu halaagay markii ay Ragg ragg wax ka raadi yeen sidaas darteedna waxaa uu sheekhu sheegay in Zinadda meeshii ay ku faafto wax walba oo xun laga hellayo sidaas darteedna loo baahan yahay in laga hortago.

Sh.Daahir Aw-Cabdi ayaa dadweynihii Khubadda dhagaysanayey waxaa uu dareensiiyey qaabka ay shareecadda Islaamku ugu hortagtay wax walba oo fududueyn kara in ay faafto xumaantay ay ugu horayso Zinada qofkii arrimaas ku dhacna ay shareecadu ay marsiinayso wax uu muteystay. Sheekh Daahir Aw-cabdi ayaa ka sheekeeyey in dhaqan suuban ee Soomaalidii hore ay arrimaha noocaan oo kale ah aysan aqoon qofkii ay ku arkaan ay si hoose u dili jireen si beesha uu ka dhashay aan waxaas foosha xun u soo dhex gelin.

Hoos ka Dhageyso Khudbadii Jimcaha ee Masjidka Al-Rowada Sh. Daahir Aw Cabdi

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/eejcsilee1/Khudbada_Jimcaha_09-May-2014.MP3]

Halkaan ka Dhagayso khudbada Masjid rowda MP3

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online