Kulan ku dhexmaray Muqdisho Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda FS iyo Wafdi ka socda dowladda Germany[Masawiro]
May 6, 2014 - Written by EditorMogadishu, May 06, 2014- Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda H.E. Abdullahi Mohamed Nur oo ay wehliyeen mas’uuliyiin ka kala tirsan Wasaaradaha Arrimaha Dibadda,Tamarta iyo Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Germany ayaa waxa ay maanta kulan saacado qaatay ay kula yeesheen Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya wafdi ka socda dowladda Germany oo uu hogaaminayay Dr. Ralf-Matthias Mohs oo ah Madaxa Qeybta bariga Afrika ee Wasaaradda iskaashiga dhaqaalaha iyo horumarinta ee dowladda Germany , iyadoo fadhigaasi looga hadlay taageero maaliyadeed oo loo fidiyo hey’adaha kala duwan ee dowladda iyo dib u dhiska dalka.
Wasiiru dowlaha Maaliyadda H.E. Abdullahi Mohamed Nur wuxuu soo dhoweeyay Wafdiga dowladda Germany , isagoo ku sheegay Xiriirka Soomaaliya iyo Germany uu yahay mid qoto dheer oo dhinacyo badan ku qotoma , isagoo ka codsaday dowladda Germany taageero maaliyadeed oo lagu fuliyo barnaamijyo horumarin oo waxgal u ah dalka .
Dhankiisa , Dr. Ralf-Matthias Mohs oo ah Madaxa Qeybta bariga Afrika ee Wasaaradda iskaashiga dhaqaalaha iyo horumarinta ee dowladda Germany ayaa sheegay inay Soomaaliya taageerayeen muddo dheer , ayna ka hirgeliyeen qorshayaal horumarin maamulada Puntland iyo Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya,ayna diyaar u yihiin fulinta qorshayaasha horumarin ee dowladda Federaalka Soomaaliya .
Wafdiga dowladda Germany ayaa waxaa ka mid ahaa Sarkaalka Wasaaradda iskaashiga dhaqaalaha iyo horumarinta u qaabilsan Soomaaliya, Kuxigeenka Safiirka Germany ee Soomaaliya,Kuxigeenka Madaxa iskaashiga horumarinta,Iskuduwaha hey’adda GIZ iyo mas’uuliyiin sare oo kala matalayay Bankiga horumarinta KFW iyo Bankiga Horumarinta Germany.
no images were found
Kulankani oo ku soo idlaaday jawi isfaham leh ayaa waxaa uu tusaale u yahay xiriirka xoogan ee dowladda Soomaaliya kala dhaxeeya dowladda Germany iyo dadaalada Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ay ku dooneyso kobcinta iyo horumarinta Xiriirka Caalamiga .
Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page
Tweets by MOFASomalia
https://www.facebook.com/mofa.somalia