Kulankii 2aad ee sanadkan ee Ducaada Johannesburg oo qabsoomay[Masawiro]
May 9, 2014 - Written by EditorJohannesburg:-Shalay oo taariikhdu ahayd 08/05/2014 oo ahayd maalin Khamiis ah ka dib Salaadoii Makhrib ayaa waxaa ka dhacay xarunta Al-bayaan ee Johannesburg kulankii 2aad ee ducaada Johannesburg, kulankan oo ahaa kii labaad ee sanadkaan qabsooma ayaa waxaa ka soo qayb galay ducaada, macalimiinta, iyo culimada dacwada ka wada magaalada Johannesurg.
Kulankaan oo labadii bil ama seddexdii bil mar la qabto ayaa waxaa uu ahaa ajandihiisu warbixin in laga dhagaysto Sh. c/risaaq Mowlaanaa oo safar dacwo ku tegay Soomaaliya kana mid ah culimada iyo ducaada Koonfur afrika. Sh C/risaaq ayaa safarkaas waxaa uu ku maqnaa mudo 4 bilood ah
Kulanka ay iskugu yimaadeen culimada iyo ducaadda magaalada Johannesurg ayaa waxaa uu u jeedkiisu ahaa in shirkii dhawaan ay yeesheen shuurada golaha Al-bayaan ee dalka Koonfur afrika iyo go,aamadii ka soo baxay lagu dul akhriyo ducaada iyo culimada. Waxaa markii ugu horaysay
ku furay Aayado Quraan ah ardayga la yiraahdo Mohamed ka dibna waxaa lagu soo dhaweeyay Sh.Shariif oo ah imaamka labaad ee masaajidka Shaafici kalimad wacdi iyo boorin ah, asagoo sheikha si fiican ugu dheeraaday ahmiyada dacwada iyo masuuliyada na saaran haddaan nahay ducaada.
Waxaa xigay oo qaatay hadalkii ku xigay Sh. Maxamed aadan c/lle oo ah masuulka dacwada albayaan ee gobolka Gauteng , sheekha oo halkaa ka aqriyay qaar ka mid ah go’aamadii shuurada albayaan ay soo go,aamiyeen shirkii dhacay bil ka hor, waxaana uu sheekha sheegay in ducaada iyo culimada la,aantooda aysan marna ba fuli karin go,aamadan, maadaama laf dhabarka dacwada ay yihiin ducaada iyo culimada iskugu timid shirkaan.
Intaa ka dib ayaa waxaa lagu wareejiyay hadalkii Sh.c/risaaq mowlanaa oo warbixin dheer ka bixiyay safarkiisii Dacwo ee Soomaaliya gaar ahaan waxaa uu sheekha xooga saaray dacwadii ka socotay dalka Soomaaliya iyo ganacsiga, waxaa uu sheekha ka waramy in uu nasiib uu u helay intii uu joogay dalka soomaaliya iyo dhulka kale ee soomaalida degto in uu ka qayb qaatay nadwooyin culimada ay qabteen, kulumo waawayn oo ay qabteen mu,asasaadka dacwada qaar ka mid ah iyo safaro dacwo oo uu la galay qaar ka mid ah culimada soomaalida
Sh C/risaaq Mowlaanaa uu tilmaamay intii la aasaasay mu,asasaadka dacwada ee hadda ka howlagla dalka gudihiisa iyo dibadiisa in wax wayn iska bedeleen dacwadii oo ay sii xoogaysatay noqotayna mid nidaamsan, sheekha waxaa uu si gaar ah uga waramay safar dacwo iyo nadwo weyn oo uu kaga qayb galay Ceerigaabo oo uu ku sugnaa labo usbuuc, nadwadaas oo qaar ka mid ah culimada waaweyn ee soomaalida ay isugu yimaadeen, waxaa uu ku dheeraaday sheekha sida ay reer Ceerigaabo u soo dhaweeyeen culimada iyo meelihii kale ee ka mid
ka ahaa gobolka sanaag ee ay ducaada iyo culimada ay soo mareen oo fara badnaa.
Waxaana safarka dacwada iyo nadwadaas sheeekha uu sheegay in ay ka qayb qaadanaayeen culimada kala ah, sheikh c/naasir xaaji axmed, sheikh cismaan cali xasan, sheikh maxamed cumar dirir, sheikh axmed c/samad, sheikh axmed maxamed sulaymaan, sheikh diktoor xasan sheekh caIi warsame, sheikh maxamed macalim, iyo culimo kale oo gaaraayay ilaa 30 oo ka kala yimid magaalooyinka Hargaysa, Boosaaso, Laascaano, Burco, Garoowe
Sh. Mowlaan waxaa kale oo uu sheegay in uu qaabilay oo uu la kulmay intii uu safarka ku jiray culimo kale oo waawayn sida Sheikh Bashiir Axmed salaad oo ah gudoomiyahaa hay,ada culimada soomaaliyeed iyo gudoomiyaha jamaacada ictisaam bil kitaab wasunnah oo uu kala qaybgalay kulankii xalaqaadka masaajida ee Laascaano, sheikh abuu xasaan, sheikh Maxamuud abuu shaybah.
Sheekha Mowlaanaa waxaa kale uu ka warbixiyay dacwada ka socoto Jigjiga oo uu soo maray iyo Nairobi oo uu sheikha ku qaabilay kulana sheekeestay culimada qaar ka mid ah oo uu ka mid yahay Sh.Maxamuud shibli.
Warbixintaa oo ay ducaada iyo culimada aad ugu bogeen ayaa waxaa uu mowlaanaa ku soo gabagabeeyay in loo baahanyahay in meesha laga kaco oo dacwada iyo tacliimtaba loo istaago, arrintaa oo ay ducaada u riyaaqeen, waxaa intaa ka dib kalimaad qaatay culimadii iyo ducaadii ka soo qayb gashay shirka iyagoo dhowr su,aal waydiiyay Sheikh maxamed aadan iyo sheikh mowlaanaa ku saabsan arrimaha dacwada ee dalka Koonfur afrika iyo safarkii dacwo ee uu Sh Mowlaana ku tegay Soomaaliya.
no images were found
Waxaa kale oo jiray oo aan meesha ka maqnayn tacliiq iyo soo jeedino kale oo dhamaan aad u muhim ahaa, waxaa fadhigaa ka ahaa xiriiriye walaal maxamed maxamuud oo ka mid ah gudiga dacwada, ugu danbaystii waxaa uu ku soo gaba gabooyay shirka jawi aad u fiican iyo in loo balamay shaqo dacwada ah.
Waxaa diyaariyey
Maxamed Aadan Abdile
Madaxa Dacwada Gobolka
Gauteng ee Al-bayaan