Machadka Al-Sunna oo Xaflad u Qabatay Ardeyda Dhameysatay Machadka Sanadkan 1434/1435H

May 31, 2014 - Written by Editor

DSC06764Muqdisho:-Maamulka Machadka Al-Sunnah ee Barashada Culuumta Shareecada ee Magaalada Muqdisho ayaa Jimcihii Shalay Xaflad si heer sare ah loo soo Agaasimay u qabatay Ardeyda Dhameysatay Sanadkan Machadka kuwaas oo ah Dufcadii 9-aad ee sanad Dugsiyeedka 1434-1435H.

Ardeydan oo gaaraysay 120 Ardey ayaa waxaa Abaalmarino Qaali ah la gudoonsiiyay 15-ka ugu horeysa kuwaas oo isugu jira 10 wiil & 5 Gabdhood.

Sidoo kale waxaa abaalmarin Qaali ah la gudoonsiiyay Ardeyga 15-ka ardey ugu xaafidsan Qur’aanka taas oo loogu magac daray “حامل الوحي”, waxaana Abaal marin kale la gudoonsiiyay Waalidkiisii Qur’aanka soo xifdisiiyay taas oo loogu magac daray “تاج الوالد”.

Ugu horeyn waxaa xaflada ka hadlay Maxamed Xasan Kaariye oo ah Ardeyga ku hadlayay codka ardeyda Qalin jabisay wuxuuna yiri:”Macalimiintii ayaan umahad celinayaa Cilmigaasi na soo gaarsiisay ee Juhdiga badan ku soo bixisay, waxaan kaloo u mahadcelinayaa idaarada Machadka Sheekh Saalax oo xaqiiqdii la dhihi karo Aabaha Koowaad ayuu noo ahaa xaga Tarbiyada markaan wax baranaynay dhib badan nala soo maray, noona soo dul-qaatay sidii uu wax noo bari lahaa”.

Ardeygu wuxuu intaa ku daray“Anagu waxaan Ilaahay ka baryaynaa Maadaama uu na waafajiyay inaan Cilmigiisa barano, hadana ilaahay inuu na waafajiyo inaan ku dhaqano, ku dhaqanku wax weyn weeye”.

Ugaas Mahad Ugaas Maxamed Ugaas Ciise oo ka mid ah Ardeyda Qalin jabisay ayaa ku booriyay Ugaasyada kale iyo guud ahaan Dhaqanka Soomaaliyeed inay bartaan Culuumta Shareecada, wuxuuna yiri: “Culimo badan ayaa dhib u soo maray Diintaan Adkaynteeda iyo xoojinteeda, marka waxaan leeyahay Dhaqanku ha barteen Shareecada Islaamka, Ha ku barteen Dhanka Masaajida ama ha ku barteen Dhanka Macaahida iyo Jaamacadaha”.

 

Sheekh C/laahi Sheekh Yuusuf Maamule ku xigeenka Machadka Al-Sunnah oo ku hadlayay codka macalimiinta ayaa isbar-bardhig ku sameeyay waxbarashada xiligan la joogo iyo waxbarashadii jirtay xiligii kacaanka “Nin Da’ weyn baan ahaye waxaan doonayaa inaan idiin muqaaraneeyo tacliintii hore ee wadanka ka jiri jirtay iyo midda maanta jirta, ardeyda Machadu suna jawi sidan uun ah ayay arkeen, marka wax kalaa jiray oo ka horeeyay: Ardeydaa Quruxda badan, Mujtamacaa Quruxda badan, Wiilashaas iyo Gabdhahaas Quruxda badan ee Labiskaas Islaamiga ah qaba gooni u kala fadhiya Ma jiri jirin, waxbarashadii waagaas jiri jirtay Wiilka & Gabadha sidaas ayay isku garab fadhiisan jireen , walaahi beentay ma aha , ragii joogay waa ogyihiin, 2 wiil ayay dhex fadhidaa & gabadh iyo wiilba waxaa la qabaa surwaal yar iyo shaati yar oo gacmo gaab ah”.

 

Xaflada waxaa ka soo qeyb galay Qeybaha Bulshada sida: Culimada oo ay ka mid yihiin: Sheekh Maxamed Yaasiin C/waaxid Xasan waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Machadu Suna Dad badan buu soo saaray, Dadkii waa dadkaa Qur quruxda badan, wiilashii ay wataan Cimaamada iyo Khamiiska, Gabdhihiina wakuwaa oo wada daboolan Quruxda iyo sharafta meesha ka muuqata runtii markaan anagu aragno Iimaan baa noo kordhaya”.

 

Sheekh Maxamed Yaasiin ayaa ku booriyay ardeyda inay gudbiyaan Culuumtii iyo Akhlaaqdii wanaagsanayd ee ay machadka ka barteen oo ay magaalada la dhex galaan si loogu daydo.

Sheekh Dr. Cumar Cali Cabdulaahi, oo ah Madaxa Qeybta Masterka ee Jaamacada Islaamiga oo isagana kamid ahaa Culimadii lagu martiqaaday Xaflada ayaa ku tilmaamay macaahida noocan oo kale mid Shacabka Soomaaliyeed Asal iyo aas aasba u ah, wuxuuna yiri “Anaga Dad Muslimiinaan nahay Macaahida Noocaan ah iyo Madaaristaan Diiniga ah waaba aas aaskaanaga”.

Sheekh Maxamuud Axmed Xasan “Abuu-sheybah”, oo ah Madaxa Machadka Al-Imaam Al-Muzani ee magaalada Gaal-kacyo oo isagana lagu sharfay inuu ka soo qeyb galo xafladan ayaa Ardeyda kula taliyay inay Ducaadii ka soo shaqeysay Diinta ee ku soo duqoobay ay ka wareystaan wixii laga soo maray meesha ay maanta joogaan, wuxuuna yiri: “Wixii la soo maray iyo baladii la soo arkay iyo sidii loo hoogay beel ba’day ninkii ka haray baa laga wareystaa baa la yiriye, war ma haysaan waadna isla weyntihiin waxna dhageysan maysaan waa masaa’ib, war Dadka Odayaasha ah ee Culimada ah inaad wax ka dhageysataan oo aad ka faa’iidaysataan oo maalma dhan wareysataan, adeeroow maxaa la soo maray? See wax ahaayeen? Sidee loo dhaqmaa, diyaar ma u tihiin mise idinkaa isla quman?”.

 

Abuu sheyba wuxuu kula dar-daarmay ardeyda inay ku dhaqmaan wixii la baray si ay naarta uga bad-baadaan, wuxuuna yiri“Waxaan ku dar-daarmayaa inaan ilaahay ka baqno, Diintana aan ka run sheegno Aqoon aan camal lahayn waxba tari mayso , soo garan maysaan inuu nabigu noo sheegay صلى الله عليه وسلم Saddex qof oo naarta Kow lagu Huriyo sida ku taala saxiixul Muslim: Sheekh Caalim ahaa, Nin Mujaahid ahaa oo jihaad ku dhintay, iyo nin deeqsi ahaa oo Xoolihiisa bixiyay, saddexduba ilaahay dartii ulama jeedin, kana wuxuu ula jeeday ha lagu yiraahdo Caalim iyo qaari, kana Mujaahid ha lagu yiraahdo, kana Deeqsi ha lagu yiraahdo, waa la yiri Naartaa lagu shubay”.

Xaflada waxaa kale oo ka soo qeyb galay Bahda waxbarashada sida: Jaamacada Islaamiga, Jaamacada Al-Imaam, Jaamacada Kismaayo iyo Jaamacada Baladweyn.

no images were found

Dhinaca kale waxaa xaflada iyagana ka soo qeyb galay shirkadaha ganacsiga intooda badan oo uu ka mid yahay: Bangiga Salaam, oo isagu Goobta xaflada uga balan qaaday Ardeyda kaalimaha galay 5-ta ugu horeysa inay jaamacada ay doortaan ay ka bixinayaan.

Gudoomiyaha Mu’asasada Safaa ee Dacwada iyo Horumarinta oo isagana xaflada kalimad qiima badan ka jeediyay ayaa gunaanadkii balan qaaday in sanadkan ay 5 ardey ay ka bixinayaa Jaamacada.

Ugu dabeyntii Maamulaha Machadka Al-Sunnah Sheekh Saalax Maxamuud Yuusuf oo xaflada ka hadlay ayaa mahadcelin ka dib ka warbixiyay machadka, wuxuuna yiri “Machadka Al-Sunnah, waxaa la aas aasay 01 shacbaan 1427H, waxaana ka qalin jabiyay 9 dufcadood oo tiradoodu tahay 618 ardey oo 297 ka mid ah ay yihiin wiilal 321-na ay yihiin gabdho taas oo noqonaysa 58% gabdho 42% wiilal”.

Sheekh oo ka hadlay ujeedka loo furay Machadka Al-Sunnah ayaa yiri: “Ujeedka loo aas aasay waa inuu soo saaro Dad Ducaad Mukhlisiin ah oo xanbaari kara Risaalada Diinta, sidoo kale leh nidaamyadii wax loo baran jiray ee ah Dugsi Qur’aanada, Xalaqaadka Masaajida & Tacliintii sabuurada la saari jiray, danta laga leeyahayna waa in la soo saaro qof si walba wax ku gudbin kara oo Dugsigiina cashir ka bixin kara, Masjidkiina Kutubta ka Akhrin kara, Tacliinta Sabuuradana adeegsan kara intaba”.

Halgan.net
Muqdisho

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online