Madaxweynaha DFS oo cambaareeyey weerarkii lagu qaaday Golaha Shacabka

May 24, 2014 - Written by Editor

Madaxweyne _XasanMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay ka hadlay weerarkii lagu qaaday xarunta golaha shacabka waxaana uu cambaareyn culus u jeediyey kooxda Al-Shabaab wuxuuna falka weerarka ku tilmaamay mid fashilmay wuxuuna bogaadiyey ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM oo ka hortagay weerarkii lagu qaaday Golaha Baarlamaanka DFS.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu ka tacsi u diray dhamaan dadkii ku dhintay wuxuuna alle uga baryay in Caafimaad siiyo dadkii kale oo ku dhaawacmay .Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu sheegay in uu soo gaabiyey socdaalkiisa uu ku joogay dalka Koonfur Afrika.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxmuud ayaa balan qaaday in uu sameyn doono is badal degdeg ah ,ilaa haatan lama yaqaan isbadalka uu ku dhawaaqay Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online