Madaxweynaha DFS oo u ambabaxay magaalada Kampala ee dalka Ugandha
May 11, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu horkacayo ayaa waxay maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho iyaga oo ku sii jeeda magaalada Kampala ee xarunta dalka Ugandha .
Wafdiga uu horkacayo madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyey Wasiirka Gaashaandhiga DFS iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Xubno kale oo ka tirsan labada gole ee DFS.
Madaxweynaha DFS ayaa casumaad gaar ah Madaxweynaha Ugandha Uweri Muzaveni oo ay ciidamadiisa joogaan magaalada Muqdisho
Ujeedada socdaalka Madaxweynaha DFS ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweynaha Ugandha ay ka wada hadli doonaan amaanka Soomaaliya iyo sidii dardar loo gali lahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo haatan laga saaray inta badan gobaladii ay gacanta ku hayeen.
Socdaalka Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay dalka Ugandha ayaan horey loo sii shaacin
A/Cawale
Halgan.net