Madaxweynaha Puntland oo dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe
May 9, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo oo in dhawaalo ah safar ugu maqnaa dalalka Itoobiya iyo Yeman ayaa maanta dib ugu soo noqday magaalada Garowe ee caasimada dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigiisa ayaa markii ay ka soo degaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe waxaa si weyn u soo dhaweeyey sii hayihii xilka madaxweynanimada dowldda Puntland ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey , wasiiro, Xildhibaano iyo saraakiil ciidan.
Wafdiga Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa kale oo ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe dadweyne aad u fara badan oo safnaa jidka isku xira Garoonka diyaaradaha ee magaalada. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas oo la hadlay saxaafadda ayaa waxaa uu u sheegay in safarkii uu ku tegay dalalka Yemen iyo Itoobiya uu ku soo dhamaaday guul madaxda dowladdaasna ay isku afgarteen in Puntland laga taageero arrimaha amniga iyo dhinac horumarka.
Warka oo faahfaahsan dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa haddii alle idmo
M_M_Deeq
Halgan.net