Madaxweynaha Puntland Dr.Gaas oo ku sii jeeda magaalada Qardho
May 24, 2014 - Written by EditorQardho:-Wafdi uu hogaaminayo Madaxwaynaha Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa ku soo jeed magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar isagoo ka qayb geli doona caleemo saarka Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor oo maalinta Axad ah oo ay taariikhu tahay 25.0.2014 lagu caleema saari doono.
Afhayeenka madaxtooyadda dowladda Puntland C/llaahi Quraanjecel oo la hadlayay saxaafadda ayaa u sheegay in wafd uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Dr.Gaas ay gaari doonaa magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar iyo weliba wufuud kale oo ka kala imaanaya dowladda federaalka Soomaaliya, Maamulka Jubba dowladd deegaanka Soomaalida , Jabuuti iyo Kenya.
Afhayeenka madaxtooyadda dowladda Puntland C/llaahi Quraanjecel ayaa xusay in dowladda Puntland ay u diyaar garowday ka qayb galka caleemo saarka Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse si dowladdu ay u xoojiso dhaqanka soo jireenka ah iyo taariikhda dhaqameed.
Warar aan ka helnay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa sheegay in wasiiro ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah Siciid Cabdulaahi Deni iyo wasiirka Waxabarashada Ducaale ay hadda ku sugan yihiin magaalada Qardho.
Warar aan weli la hubin ayaa sheegay in caleemasaaarka Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor in uu ka soo qayb gali doono Ra’iisal wasaaraha Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sh Axmed
M_M_Deeq
Halgan.net