Madaxweynaha Puntland oo Addis-Ababa kula kulmay Wafdigii uu Hoggaminayay John Kerry.[Masawiro]
May 2, 2014 - Written by EditorAddis Ababa:-Wafdigii Dawladda Puntland ee uu hogaaminaayey Mudane Dr.C/weli Maxamed Cali ‘Gaas’ ayaa maanta (Jimce) shir la qaatay Wafdigii Wasaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka oo uu hogaaminayey Mudane John Kerry. Wafdiga ayaa salaan iyo soo dhaweyn la qaatey Wasiirka Arrimaha Dibedda ka dib kulan dheer ayeyla qaateen Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ahna qaabilsanna Arrimaha Afrika Marwo Linda Thomas-Greenfield. Kulanka ayaa sidoo kale ka soo qaygalay Safiirka Marykanaka u qaabilsan soomaaliya Mudane James P. McAnulty iyo Lataliyaha Arrimaha Siyaasadda iyo Daqaalaha Safaarada Marykanka ee Etobiya Mudane Brendan Gough.
Dhanka Dawladda Puntland ayaa Madaxweyne Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ku weheliyey shirka Wasiirka Amniga Mudane Xassan Cusmaan Aloore iyo Wasiirka Waxbarashada Mudane Dr.Cali Xaaji Warsame. Kulankan ayaa ahaa mid fursad weyn u ahaa Madaxda Puntland waxaana ay kala hadleen Maraykanka iskaashi dhexmara, sidii Puntland gacan looga siin lahaa arrimaha amaanka iyo dardargelinta taageerada Maraykanku ku bixiyo arrimaha Soomaaliya oo Puntland qayb ka tahay.
no images were found
Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa intii ay Magaalada Addis Ababa ku sugnaayeen la qaatay shirar Madax kala duwan Madax badan oo kula sugnaa Magaalada Bahar Daar iyo Addis Ababa.
DHAMAAD–
Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta
Iyo Hiddaha Iyo Dhaqanka
Ee Madaxtooyada Puntland