Madaxweynaha Puntland oo booqday Saldhigii Boqor Cismaan ee Baargaal
May 30, 2014 - Written by EditorBaargaal:-Madaxwayanah Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta inta uusan u ambabixin Degmada Balidhidin,Waxa uu kullan Degmada Baargaal kula qaatay bulshada qaybaheeda kala duwan Sidoo kalana booqday goob taariikhiya hoyna uhayd Boqor Cismaan Boqor Muuse,Warshada lagu kaydiyo Kalluunka iyo Warshada Barafka ee Degmadaasi.
Kullanka ayaa ahaa mid uu Madaxwaynaha Dowlada Puntland ku xog waraysanayay bulshada degmadaasi,waxayna dhamaan bulshada Degmadaasi Madaxwaynaha Puntland uga mahadceliyeen Booqashada uu ugu yimid iyo kuur galida Degmadaasi uu ku indha indhaynayay Xaalada nololeed ee shacabka ku dhaqan Degmada Baargaal.
Madaxwaynaha Dowlada Puntland oo Meel Fagaare ah kula hadlay qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan magaalada Baargaal,ayaa waxa uu u soo jeediyay in ay ka qayb qaatan horumarinta Guud ahaan Degmadaasi.
Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sidookale u suurtagashay in uu booqdo Hoygii uu Daganaa Allaha u Naxariistee Boqor Cismaan Boqor Muuse .
no images were found
Mudadii uu joogay Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu Degmadaasi ka dhagax dhigay Xarunta Wasaarada Deegaanka iyo Doorjoogta,Waxana goob jog ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi iyo Masuuliyiin kale .
Dhamaad
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.