Madaxweynaha Puntland oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’ada Relief International.[Masawiro]

May 11, 2014 - Written by Editor

IMG_2779Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Abdiweli M. Ali Gaas Ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti balaadhan oo ka socday hay’ada caalamiga ah ee Relief International, weftigaas oo ay hogaaminaysay madaxa sare ee hay’adaasi haweenayda loo yaqaano Nancy E. Wilson.Madaxa Hay’ada Relief International Nancy E. Wilson ayaa booqashadeeda ay ku timi Puntland waxaa ku weheliyeyku xigeenkeeda dhinaca mashaariicda iyo Agaasimaha goboleedka Soomaaliya iyo madax kale oo ka tirsan hay’adaasi.

kulankan uu maanta madaxweynaha Puntland uu la qaatay Relief International ayaa waxuu ku saabsanaa hitgelinta mashaariicada ay ka wado hay’adaasi gebi ahaanba Soomaaliya gaar ahaana Puntland. Madaxweynaha dawlada Puntland Dr. Abdiweli iyo masuuliyiintii ka socotay Relief International waxyaabahii ugu waaweynaa ee ay ka wada hadleen maanta waxaa ka mid ahaa mashruuca waxbarashada gabdhaha.

Mashruucaas waxbarashada gabdhaha oo bartilmaameedkiisu yahay (9.300), sagaal kun iyo saddex boqol oo gabdhood oo reer Puntland ah ayaa Mdaxweynaha Dawlada Puntland waxaa uu sheegay in mashruucaasi uu yahay mashruuc aad u muhiima. Kulankii maanta uu la yeeshay Madaxweyne Dr. Abdiweli Hay’ada Relief International ayaa waxaa la xidhiidha qorshaha dawlada Puntland ee dhanka tayanta waxbarshada iyo kobcinta aqoonta, waxaana uu madaxweynaha Puntland uu sheegay in Hay’adan iyo Wasaarada Waxbarashada Puntland ay muhiim tahay inay yeeshaan xidhiidh wada shaqaynayd oo wanaagsan.

no images were found

Dhinaca kale mashaariicdii ugu xusuusta badnaa ee hay’adani Relief International ay ka fulisay Puntland ayaa waxaa ka mid ahaa mashruucii ” Media Education” ee lagu banayey mihnada saxaafada, mashruucaasi oo dad badani wax ka barteen.

Dhamaad
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta
Iyo Hidaha Iyo Dhaqanka EeMadaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online