Madaxweynaha Puntland oo si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Sanca ee caasimada Dalka Yemen[Masawiro]
May 3, 2014 - Written by EditorSanca:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka degey magaalada Sanca ee casimadda dalka Yemen, waxaana garoonka diyaaradaha ee Magaalada Sanca kusoo dhoweeyey Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhiga ee Dalkaasi Yemen. Madaxweynaha dawlada Puntland ayaa waxaa ku wehelinaya socdaalka uu ku tagay dalka Yemen wasiirka waxbarashada dawlada Puntland Cali Xaajo Warsame iyo wasiirka Amniga ee dawlada Puntland mudane. Xasan Cisman Alloore iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyda Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Gaas ayaa waxaa uu casumaad rasmi ah ka heley dowladda Yemen, kadib markii Ra’iisal wasaaraha dalka Yemen uu marti qaad rasmi ah u fideyey madaxweynaha dawlada Puntland.Socdaalka Madaxweynaha dawlada Puntland uu ku tegay dalkaasi Yemen ayaa waxaa uu la xidhiidhaa Adkayntaamniga, ladagaalanka argagaxisada iyo xoojinta xidhiidhka ganacsiga ee u dhaxeeya labada Wadan.
no images were found
Dhinaca kale socdaalada kala duwan ee uu dhowaanahan Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Gaas ku marayay dalalka deriska ah ayaa waxaa ay qayb ka yihiin dadaalka ay xukuumaddiisu ugu jirto xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed ee a Dawladda Puntland la wadaagto dalalka deriska ah iyo kuwa kale ee caalamka.
—DHAMAAD–
Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta Iyo Hiddaha Iyo Dhaqanka
Ee Madaxtooyada Puntland.