Madaxweynaha Puntland oo si weyn loogu soo dhoweeyey Garoowe(Masawiro)
May 9, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi balaaran oo uu hogaami nayey oo safaro shaqo ugu maqnaa dalalka Ethiopia iyo Yemen ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Madaxweynaha Puntland Dr.Gaas ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Garowe si weyn ugu
soo dhoweeyey Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdi-xakiin Cabdillaahi Xaaji Cumar Camey , Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire, masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland, iyo saraakiisha sare ee ciidamada.
Dadweyne aad u fara badan ayaa iyaguna ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee Garowe, waxayna si weyn uga qayb qaateen soo dhoweynta Madaxweyne Gaas iyo wafdiga uu hogaaminayey. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa markii uu tagay xafiiskiisa madaxtooyada Garowe waxa uu warbaahinta uga war-bixiyay shirkii arrimaha amaanka looga hadlayay ee ka dhacay dalka Ethiopia iyo sidoo kale safarkiisii uu ku tagay dalka Yemen.
“Shirkii TANA Form ee looga hadlaayay arrimaha amaanka dalalka Africa ee ka dhacay Magaalada BAHAR-DAR ee dalka Ethiopia, waxa uu ahaa shir muhiimad weyn ugu fadhiya Puntland, waxaana kasoo baxay waxyaalo muhiimu ah xasilinta amaanka dalak ku yalla gobolk iyo dhamaan Africa” ayuu yiri Madaxweyne Gaas. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Gaas waxa uu sidoo kale warbaahinta uga waramay kulamdii uu lasoo qaatay madaxda sare ee Dawladda Yemen.
“Madaxda sare ee Dawladda Yemen si wanaagsan ayay noo soo dhoweeyeen, waxaanu ka wada hadalnay in xiriirka labada dhinac la adkeeyo, isla markaana lala dagaalamo arga-gixisada iyo burcad badeeda oo iyaga laftooda dhibato ku haya, si wanaagsan ayaanuna isula qaadanay arrintaas” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
no images were found
Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo wafdiga uu hogaaminayo safaradii ay ku tageen dalalka Ethiopia iyo Yemen waxaa ay qayb ka ahaayeen tallaabooyinka ay xukuumaddu u qadayso dhinaca horu marka iyo adkaynta xiriirka ay Puntland la wadaagto dalalka caalamka.
–DHAMAAD–
Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta Iyo Hiddaha Iyo Dhaqanka
Ee Madaxtooyada Puntland.