Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Beesha caalamka baaq u jeediyey

May 1, 2014 - Written by Editor

CameyGaroowe:-Madaxweyne ku xigeenka ahna kusimaha Madaxweyanaha dawlada Puntland Eng Cabdixakiim Cabdillahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 30/04/2014 xafiiskiisa ku qaabilayCalanka Puntland gudiga gurmadka degdega ah ee abaaraha, kulankaas oo ku saabsanaa wax ka qabashada xaalada abaaraha ee ka taagan Puntland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kala hadlay codsi 24/04/2014 loo gudbiyey hay’ada Initial Humanitarian Affairs And Disaster Managemant Agency (HADMA), iyo sida ay u arkeen wax ka qabashada amuurtaasi haday yihiin Inter- Agency mar haday ay ka war qabaan xaalada abaareed ee ka taagan Puntland. Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa uu cadeeyey in ka badan 300.000 oo isugu jira reer miyi iyo xoolo dhaqato iyo weliba kuwa ku nool xarunta barakacayaasha Urban ay xaalad xun oo Abaareed hada taagan tahay.

Eng. Camay ayaa waxaa uu sheegay in xaalada u baahan in xiligakani wax laga qabto ee taagani ay yihiin qodobada hoos ku xusan.
1. In dayactir lagu sameeyo ceelsha biyaha ee deegaanada miyaga loona baahan yahay in lala soo gaadho agab dayactir.

2. In biyo deg deg ah lala soo gaadho meelaha oomanaha ah.

3. In iyada oo la eegayo dhinaca aadminimo si dhakhso ah loo diyaariyo qalabka biyaha iyo shidaal lagu hawl galo si loo yareeyo culayska jira.

4. In la diyaariyo xarumo caafimaad iyo daawooyin lagu daryeelo meelaha sida aadka ah ay usaameeyeen Abaaruhu.

5. In si dhakhso ah xoolaha nool ee kusgan meelaha Aabaaruhu aadka usaamaayeen loo gaadhsiiyo daawayn iyo xanaanayn.

Dawlada Puntland ayaa dhankeeda waxay sheegtay inay qaadan doonto qayb lixaad leh sidii dadka iyo xoolaha tabaalaysan ee Abaaruhu ku habsadeen loo gaadhsiin lahaa gurmad deg dega.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa uu carabka ku adkeeyey in xaalada baniaadanimo ay kasii dari doono haddii xili roobaadka gugu uu dib u dhaco Abaartuna sii daba dheeraato.

Communications Office
The Puntland Presidency

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online