Madaxwynaha Puntland oo la kulmay wasiirka arrimaha dibadda dalka Yeman (Masawiro)
May 7, 2014 - Written by EditorYemen:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa magaalada Sanca ee caasimadda dalka Yemen waxa uu shalay kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Dawladda Yemen Dr. Abu-Bakar Abdullahi Al-Qirbi.
Kulanka Madaxweynaha Iyo Wasiirka ayaa saacado qaatay, waxayna kaga wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan tahay xiriirka Puntland iyo Yemen iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Gaas iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Dawladda Yemen Dr. Abu-Bakar Al-Qirbi waxaa ay si wada jir ah u sheegeen in Puntland iyo Yemen uu ka dhexeeyo deris wanaag, isla markaana ay yeelanayaan wada shaqayn dhow, si looga adkaado arga-gixisada, burcad badeeda iyo wixii kale ee amaanka gobolka hoos u dhimaya.
no images were found
——DHAMAAD——
Xafiiska Warfaafinta , Wacyi-gelinta Iyo Hiddaha Iyo Dhaqanka
Ee Madaxtooyada Puntland.