Magta haweenayda muslimadda ah Sh. C/naasir Xaaji Axmed.[Daawo]
May 7, 2014 - Written by EditorLaascaanood:-Sh.Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ka mid culimada waaweyn ee dalka Soomaaliya xaruntiisuna ay tahay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa uu jeediyey muxaadaro uu uga hadlay magta gabadha Muslimadda ah. Sheekh cabdinaasir Xaaji Axmed ayaa ugu horeyn si faah-faahsan uga hadlay Axkaamta magta haweenka, sidoo kalena tilmaamay in ay culimada islaamku isku waafaqsan yihiin in magta haweenaydu tahay kala badh magta ninka oo noqonaysa 50 halaad,isagoo sheegay in ka badan 20 caalim oo kutubtooda ku soo guuriyey ijmaaca mucilmada ee masaladaas. Sidoo kale waxa uu sheekhu ka hadlay culimada qaarkood oo la sheegay in ay masaladaas culimada ku khilaafeen,ragaas oo sheekhu sheegay in aan khilaafkooda la tixgalinayn.Ugu dambayn tiina muxaadarada sheekha ayaa ku soo beegmaysa xilli dhawaan ay warbaahinta ay ka soo baxeen dad sheegaya in magta dumarka iyo raggu ay siman tahan.
Hoos ka Daawo Muxaadaradii Magta haweenayda muslimadda ah Sh. C/naasir Xaaji Axmed
Golaha Ardayda ka baxday
Machadka Al-furqaan Lascanod