Maxkamadda milateriga oo dil ku xukuntay xubno ka tirsan Al-Shabaab.
May 31, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Maxkamadda milateriga ee Soomaaliya ayaa maanta waxay dil toogasho ah ku xukuntay labo dhalinyaro ah oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab kuwaas oo lagu helay in ay dileen alaha u naxariistee Nafiso Cusmaan Salaad.
Nafiso Cusmaan Salaad ayaa ahayd gabar ka qalin jabisay mid ka mid ah jaamacahada magaalada Muqdisho waxaana lagu dilay bishii la soo dhaafay magaalada Muqdisho.
Maxkamadda milateriga ee Soomaaliya ayaa ku xukuntay dil dhalinyarada kala ah Xasan Maxamuud Cabdi (Salmaan) iyo Shaafici Cabdi Xirsi oo qirtay in ay gacantooda ku dileen Nafiso Cusmaan Salaad.
Waxaa kale oo ay maxkamada xabsi dheer oo gaaraya 10 sano ku xukuntay haweenay la shaqeynaysay Al-Shabaab waxaana magaceeda lagu sheegay Deeqo Dirac Geeddi.
Maxkamadda milateriga ee Soomaaliya ayaa sidoo kale la wareegatay gaari ay wateen dhalinyarada lagu eedeeyey in ay ka danbeeyeen dilka Nafiso Cusmaan Salaad
A/Cawale
Halgan.net