Muxaadaradii Tilmaamaha Suuratul Faatixa Sh Shakuul ee uu ka jeediye Masjid Al-hudaa [Dhagayso]

May 31, 2014 - Written by Editor

DSC05523Garoowe:-Sheekh.Maxamed Ibrahim Shakuul oo ka mid ahaa wafdigii ka qayb galay xafladii caleema-saarka Boqorka beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ee ka dhacday magaalada Qardho ee xarunta Goboka Karkaar ayaa waxaa uu muxaadaraad dhowr ah ka jeediyey  Masjidka weyn ee Al-hudaa ee magaaalada Garowe. Sh Maxamed Ibrahim Shakuul ayaa intii uusan soo gaarin magaalada Garoowe ee caasmada Puntland waxaa uu muxaadaraad mu’salsal ah ka soo jeediyey Masjidka Cumar Ibnu Khadhaab ee magaalad Qardho.

Shiikh Maxamed Ibrahim Shakuul ayaa waxaa uu intii uu ku suganaa magaalada Garoowe ee xarunta Puntand waxaa uu jeediyey dhowr muxaadaraad oo aan ka xusi karno:-

1.  Xoojinta Iimaanka
2. Tilmaamaha Muhiimka ah ee Suuratul Faatixa
3. Diintu in ay tahay Naseexo.

Sh.Maxamed Ibrahim Shakuul ayaa si rasmi ah u soo gabagabeeyey muxaadaraadkii uu ka waday Masjdka Al-hudaa ee magaalada Garoowe isagoo caawa Shiikhu uu muxaadaradiisa uu uga ka hadlay Xadiiskii Rasuulkeena Muhamed NNKH  ee ahaa الدين النصيحة . Sh.Maxamed Ibrahim Shakuul ayaa waxaa uu dadweynihii dhagaysanayey muxaadarada waxaa uu ku booriyey in qof walba uu dhaqan geliyo Xadiiskaan oo qof walba uu u istaago in dadka la waaniyo loona naseexeeyo lana ilaaliyo midnimada umada iyo wada jirkeeda.

Sh.Maxamed Ibrahim Shakuul  ayaa sheegay in ay jiraan dad wata shaar diineed ee dadka ku dira diinta Islaamka kuwaas oo aduun  iyo aakhiraba halaagsami doona haddii aysan inta goor goor ah aysan alle u soo laaban ayna muhiim tahay in ay ogaadaan in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin dad Muslimiin ah.

Muxaadarada Sh.Shakuul ka dib ayaa waxaa goobta ka hadlay gudoomiyaha gobolka Nugaal C/Qani Xaashi isagoo mahad balaaran u jeediyey Shiikha isagoo Alle uga baryey in alle Ajara ka siiyo kheyrka iyo waanada qiimaha leh oo uu Shiikhu soo jeediyey isagoo Sh.Shakuul ka codsaday in uu marar kale ku soo laabto magaalada Garoowe si cilmigiisa looga faa’iidaysto.

Dhinac kale waxaa isagana hadal kooban ka jeediyey goobta gudoomiyaha gudiga fulinta ee Mu’ssasada Al-minhaaj faraceeda Gobolka Nugaal Sh Mukhtaar axmed Faarax waxaan uu tacliiq kooban saaray Muxaadarada Sh shakuul isagoo uga mahad celiyey Sh Shakuul safarka uu ku yimid Puntland iyo nasiibka ay reer Garoowe u helleen in uu u jeediyo muxaadaraad.

Ugu danbayntii ayaa waxaa muxaadarada soo xiray Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf isagoo mahad celin ka dib  uu ka codsaday dhalinyarada in laga faa’iidaysto culimad lana barto cilmiga.

Isku soo duub muxaadaraadka Sh.Maxamed Ibrahim Shakuul  ayaa waxaa ay ku soo dhamaadeen jawi wanaagsan waxaan uu shiikhu isla maanta ka dhoofay Garoonka diyaaradaha ee Garoowe hakaas oo ay ku sii sagootiyeen culimada iyo ducaadda.

no images were found

Muxadaraadka kale Sh.Maxamed Ibrahim Shakuul dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/au5m5o6f6x/Sheekh_Shakuul_2.MP3]

Halkaan ka Dhagayso MP3

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online