Ogeysiis ku socda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Australia gaar ahaa magaalada Melbourne & Nawaaxigeeda
May 1, 2014 - Written by EditorMelbourne:-Dhamaan waxaa si sharaf leh looga codsanayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Australia gaar ahaan magaalada Melbourne & Nawaaxigeeda in Markiska Islaamiga ah ee AMSA ISLAMIC CENTER lagu qaban doono duruus iyo muxaadaradaad uu soo jeedin doono Sh Abdalla Nur (Sheikh Abul-Fadli ) oo socdaal dacwo ku soo gaaray dalka Australia.
Muxaadaraadka uu jeedin doono Sheikh Abdalla Nur (Sheikh Abul-Fadli ) ayaa waxaa ay ka dhici doonaa Markiska Islaamiga ah ee AMSA ISLAMIC CENTER maalmaha kala ah jimcaha, Sabtida,iyo Axada oo ku aadan 05/03-04-14.
Sheekh Abdalla Nur (Sheikh Abul-Fadli ) ayaa wuxuu sidoo kale duruus ka bilaabayaa maalmahan socon doonto Markiska Islaamiga ah ee AMSA ISLAMIC CENTER haddaba waxaa maamulka Masjidka uu ogeysiinayaa dadwaynaha in laga faa’iidaysto muxaadaraadka iyo duruusda ka baxayso masaajidka maalmahan uu Sheikh Abdalla Nur (Sheikh Abul-Fadli ) nala joogo.
Maamulka Markiska AMSA
Australia ,Melbourne