Qaban qaabada Xaflada Caleema Saarka Boqorka Beelaha Daarood oo si weyn looga dareemayo magaalada Qardho
May 7, 2014 - Written by EditorQardho:-Qaban qaabada Xaflada Caleema Saarka Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa waxaa ay si weyn uga socotaa magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar.Gudiga Qaban Qaabada Xaflada Caleema saarka Boqorka Beelaha Daarood ayaa waxay si xoogan u wadaan diyaarinta Caleema saarka Boqorka Daarood,Boqor Burhaan Boqor Muuse waxaa dhawaan loo doortay inuu noqdo Boqorkii 34aad ee Beelaha Daarood.Caleema saarka Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa waxaa uu ka dhici doonaa magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar 25 05 2014, waxaa lagu marti qaadi doonaa ilaa 1000 ergo oo ay ka mid yihiin Isimada ,culuma,udiin iyo masuuliyiin Soomaaliyeed kuwaas oo ka iman doona dhamaan gobalada dalka Soomaaliya
Gudiga Qaban qaabada Xaflada Caleema Saarka Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa waxaa ay ergooyin u kala diri doonaan dhamaan gobalada dalka si casumaad ay ugu fidiyaan Isimada iyo waxgaradka dhaqanka Soomaaliyeed kuwaas oo ka soo qeyb gali doona xaflada caleema saarka Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse.
M_M Deeq
Halgan.net