Qarax ka dhacay Hotel City Palace ee magaalada Muqdisho
May 30, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa caawa lagu weeraray Hotel City Palace oo ku yaalla magaalada Muqdisho. Qarax lagu weeraray Hotel City Plaza ayaa waxaa ka badbaaday Taliyaha ciidamada nabad-sugidda Bashir Mohamed Jama oo daqiiqado yar ka hor ka baxay Hotelka sidda uu idaacadda VOA u sheegay Afhayeenka ciidanka Booliska Qaasin Ahmed Roble.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Qaasin ayaa u sheegay Idaacadda VOA in qarax lagu weeraray Hotel City Plaza uu dhacay 8-dii Habeenimo waxaan u dhaawacmay saddex qof oo mid ka mid ah uu yahay Askari halka labada kale ay yhiin dad shacab ah. Dhinac kale dad goobjoogeyaal ah oo ka ag dhawaa agagaarka Hotel City Palace ayaa sheegaya in ay arkeen dhaawac iyo dad ay daadgureynayaan Gaadiidka gurmadka deg deg ah .
Hotel City Palace ayaa waxaa deggan mas’uuliyiin ka tirsan DFS ,xildhibaanno, odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin xilal kala duwan ka soo qabtay Soomaaliya.
Ilaa haatan ma jiraan cid sheegatay qarax ka dhacay Hotel City Palace ee magaalada Muqdisho.
A/Cawale
Halgan.net