Qardho oo si weyn looga dareemayo caleema saarka Boqorka beelaha Daarood.[Masawiro]

May 19, 2014 - Written by Editor

SONY DSCQardho:-Waxaa Guud ahaan magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar Puntland Soomaaliya si weyn looga dareemayaa caleema saarka Boqorka 34-aad ee beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqor Yuusuf Boqor Cismaan ,waxaana magaalada Qardho soo gaaraya wufuud kala duwan oo ka qeyb galaya Calema Saarka Boqorka.

Gudiga Qabanqaabada caleema saarka Boqorka ayaa waxa ay diyaariyeen dhammaan goobaha loogu talagalay in lagu casuumo iyo halka ay dagayaan wufuuda ka qeyb galeysa caleemasaarka Boqorka. Caleema saarka Boqorka Beelaha Daarood ayaa loogu talagalay in lagu casuumo wufuud ka badan 3000 oo qof oo ka imaaneysa dhammaan daafaha aduunka,waxaana si weyn loogu diyaar garoobay soo dhaweynta wufuuda kala duwan ee imaanaya caleema saarka Boqorka.

Caleemasaarkaan ayaa ah kii ugu weynaa inta la xusuusto in ka badan Qarni ay ka soo qeybgalayaan wufuud sidaan u badan  oo isugu jirta Isimo ,Cuqaal,Ugaasyo, Garaadyo, Wabaro,Malaaqyo, Suldaano, imaamyo,iyo Siyaasiyiinta ugu caansan dalka Somalia, Culama’udiin iyo Madax sare oo ka tirsan Beesha Caalamka.

25-ka Bishan May ayeey dhaceysaa Caleema saarka Boqrka 34-aad ee beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqor Yuusuf Boqor Cismaan.

Yaasiin Cali Yuusuf xiririyaha arrimaha Bulshada Caleema saarka Boqorka ayaa sheegay in Magaalada Qardho ay u diyaar garowday Caleema Saarka Boqorka Guud ee Beelaha Daarood waxa uu tilmaamay in la diyaariyey wax walbo oo lagu soo dhaweenayo Martida ka soo qeyb galeyso Caleema saarka Boqrka 34-aad ee beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqor Yuusuf Boqor Cismaan.

Daawo masawirada gooabaha loo diyaariyey Ergooyinka iyo diyaar Garoowa socda.

no images were found


W/D:-Cismaan Cumar Boqor Cismaan
Gudoomiyaha Xiriirka Warbaahinta 
Caleema Saarka Boqorka

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online