Ra’iisal wasaarah DFS oo ka qayb galay xuska 15 May [Masawiro]

May 15, 2014 - Written by Editor

15may7Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh.Axmed ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda lagu xusayey 71 guuradii kasoo wareegtay aasaaskii ururkii dhalinyarada gobonima doonka Soomaaliyeed ee (SYL). Munaasabadan ballaaran waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga ayaa lagu qabtay Garoonka kubada Cagta ee Koonis.

Muddadii ay socotay munaasabaddaas ayaa waxaa lagu soo bandhigay suugaan qiiro leh oo ka tarjumeysa waxqabadka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ee laga ciyaaro dalkeenna taas oo ay Jecleysteen ka qeybgalayaasha Munaasabadda.

Qaar kamid ah ururada dhalinyarada gobolka Banaadir oo sitay boorar ay ku xardhanyihiin halku dhigyo ka turjimaya qiimaha maalintan ayaa socod kusoo maray goobtii ay munaasabaddu ka dhacaysay.Mid ka mid ahaa halgamayaashii ururka SYL oo goobta ka hadlay ayaa waxbadan ka sheegay taariikhda ururka iyo qaabkii ay uga qayb qaateen tageerida ururka shacabka Soomaaliyeed oo xiligaas hamuun u qabay in ay helaan xoriyad ay ku taamaan “Waxaan halkaan uga mahadceliyaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisa oo runtii xil weyn iska saaray muujinta qiimaha ay leedahay maalintaan oo ah mid taariikhi ah una baahan dadka Soomaaliyeed ee xiligaas joogin wax badan inay ka ogaadaan” ayuu yiri Xaaji Shugri oo wax badan usoo joogay waayihii kala duwanaa ee Soomaaliya.

Sidoo kale Raysul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdweli Sh.Axmed ayaa sheegay in sanad guurada 71-aad ee kasoo wareegtay aasaaska Ururkii Dhalinyarada Soomaaliyeed (SYL) astaan u tahay taariikhda iyo gobonimada Soomaaliya, sidoo kale Raysul wasaraha ayaa ku booriyay dhalinyarada xilligan iney ku daydaan dhalinyaradii SYL oo ummadda Soomaaliyeed uga tegay taariikh dahab ah, wuxuuna hoosta ka xariiqay in xukuumadiisu ay mudnaanta siineyso horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed maadaama ay yihiin xubinta ugu firfircoon bulshada.

“Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta dhex taaganahay dhalinyaro xusaysa maalinta weyn ee 15-ka May oo astaan u ah xorriyadda ummadeenna, waa maalinkii ay saddex iyo toban dhalinyaro ah fariisteen dhidibadana u taageen xorriyada maanta aynu haysano waxaana maanta laga joogaa 71 sano, hambalyo ayaan leeyahay dhalinyarada Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogaan” ayuu yiri R.W Cabdiweli oo dhinaca kale uga qayb galay khadka telfoonka xaflad ka dhacaysay magaalada Baladweyn, wuxuuna hambalyo ku aadan maalintaan qiimaha badan u diray dhalinyarada goblka Hiiraan.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray dadkii waxyeeladu kasoo gaartay Qaraxii Baydhabo iyo dhacadii shacabka Turkigu ku waxyeeloobeen “anigoo Munaasabaddaan qiimaha badan ka faa’iideysanaya waxaan halkaan tacsi uga dirayaa dadkii Baydhabo lagu dilay ee gacanta ka gardaran dishay waxayna taasi nagu dhiirgelinaysaa inaan u midowno cadowga Al-shabaab, waxaa kaloo isoo gaartay khabar xanuun badan oo ah shil ka dhacay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga oo dad badan ku dhinteen waxaana munaasabaddan sharafta badan ee 15-ka May uga faa’iideysanayaa inaan tacsi u diro dawladda iyo Shacabka Turkiga”.

no images were found

15-kii May sanadkii 1943-dii ayey aheyd markii 13 dhalinyaro Soomaali ah aasaaseen ururkii SYL kaddib markii ay dareemeen hagardaamooyinka Gumeeysiga, iyadoo dhalinyarada Soomaaliyeed ay horkacayeeen halgankii Gobanimo doonka ahaa sababna ay u noqdeen in sanadkii 1960-kii dalkeenu u helay madaxbanaani kana mid noqdo wadamada xorta ah ee caalamka.

—DHAMAAD—

Leave a comment

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online