Ra’iisul Wasaarah DFS Cabdiweli Sh.Axmed oo ka warbixiyey safarkiisii gobolka Sh/Hoose[Dhagayso]

May 9, 2014 - Written by Editor

pm 2Marka, 08, May, 2014..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hoggaami nayo oo booqasho labo maalin ah ku tagay gobolka Shabellaha hoose ayaa waxa uu kulamo kala duwan la qaatay odayaasha dhaqan degmada Marka, wuxuuna ka dhageystay warbixino ku aadan xaaladda gobolka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kala hadlay odayaasha dhaqanka arrimaha nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta gobolka iyo sidii odayaasha dhaqanku qeyb libaax uga qaadan lahaayeen isku soo dhoweynta beelaha ku wada nool gobolka Shabellaha hoose oo baryihii u danbeeyay ay khilaafaad ku kala dhex jireen beelaha wada daga gobolka.

“Dadka ku dhaqan gobolka Shabellaha Hoose gaar ahaan degmada Marka waa dad walaalo ah oo weligoodba wada deganaa, hal meelna wax ku wada qeybsan jiray, waxaana loo baahan yahay in la soo celiyo walaalnimadii, iskaashigii iyo wax wada qabsigii aad caanka ku aheydeen” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhanka kale xusay in dawladda Federaalku ay ku taageereyso sidii loo gaarsiin lahaa dib-u-heshiisiinta gobol, degmo illaa tuulo.

“Marka laga hadlayo gobollada Soomaaliya gobolkan wuxuu kamid yahay goobaha ugu badan ee ay daganyihiin qabaa’illada Soomaaliyeed, intiina meesha fadhida waxaa la idinka doonayaa inaad dawladda gacan siisaan Ciidamadda qalabka sida ee gobolka jooga, sidoo kale aad ka caawisaan sidii dadka shacabka ah iyo Ciidamaddu xiriir wanaagsan u yeelan lahaayeen” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed oo dhanka kale sheegay dhawaan wafdi ka socda Xukuumadda inuu soo gaaro doono gobolka Shabellaha hoose si wax looga qabto baahiyada kala duwan ee deegaanka ka jira, wuxuuna ka codsaday qaybaha bulshada inay dul-qaad muujiyaan.

Odayaasha dhaqanka degmada Marka ayaa gaba-gabadii u balan qaaday Ra’iisul Wasaaraha inay garab istaagayaan kana shaqeynayaan nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta dadka ku dhaqan degmada Marka ee xarunta gobolka Shabellaha Hoose, si loo gaaro Soomaaliya oo xasiloon aayaheedana ka tashata kuna wada nool nabad iyo xasilooni.

Wasiirka Beeraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Axmed Baafo oo kulanka ka hadlay ayaa ka codsaday odayaasha dhaqanka iyo qaybihii bulshada ee kasoo qeyb galay Munaasabadda in loo soo jeesto dhanka wax soo saarka beeraha iyo khayraadka kale ee gobolku caanka ku yahay si deegaanka u gaaro hormar.

“Maanta waxaan ka hadlaynaa sidee lagu xalin karaa dhibaatooyinkii deegaanka ka dhacay waxaan jeclahay markaan bari soo laabto inaan ka wada xaajoon doono mustaqbalba wax soo-saarka gobolka oo runtii ah meelah ugu dhaqaalaha iyo quruxda badan Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Beeraha Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay oo uu Ra’isul wasaaruhu booqdo degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelada hoose oo ka mid ah deegaanadii ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Kooxaha Nabad diidka ah.

Hoos ka Dhagayso  warbixinta Ra’iisul wasaaraha DFS Cabdiweli Sh Axmed Maxamed uu uga waramay safarkiisii gobolka Sh/Hoose

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/5t57bxieey/Shir_Jaraa_id_Ra_iisul_Wasaaraha_oo_ka_warbixiyay_socdaalkii_gobolka_Sh._hoose.mp3]

—-DHAMAAD—

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Mogadihso, Somalia
Media@opm.gov.so

 

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online