Ra’iisul Wasaarah DFS oo ka hadlay qaraxii ka dhacay Baydhabo

May 12, 2014 - Written by Editor

drcabdiweliMuqdisho:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane C/wali Sheekh.Axmed Maxamed ayaa ka tacsiyeeyey qarax maanta ka dhacay magaalada Baydhabo oo ay ku dhinteen muwaadiniin aan waxba galabsan. Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu dhaawaca halista ah u dirayaa diyaarad ka soo qaadda magaalaada, waxayna xukuumaddu ka taageeraysaa maamulka maxalliga ah sidii uu arrinkan naxdinta leh u wajahi lahaa.

Isagoo qaraxa ka hadlaya waxa uu yiri Ra’iisul Wasaaruhu: “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ehelkii iyo qaraabadii dadkii ku geeriyooday qaraxii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo. Waxaan Allah u weydiinayaa muwaadiniintaas ay gacanta ka xaqa daran dishay inuu naxariista Jannada ku soo dhoweeyo.

“Dadka dhaawaca ah waxaan Allah u weydiinayaa inuu caafimaad degdeg ah siiyo. Waxaan Baydhabo u diraynaa diyaarad soo qaadda dhaawaca halista ah si ay u helaan daryeel caafimaad oo dheeri ah. “Waxaan dhaleeceeynayaa kuwa arxanka daran ee dhiigga Muslimiinta ku daadinaya fikrado gurracan oo shareecada ka baxsan. Arxan uma hayaan dadkeenna iyo dalkeenna waxaanan sii wadeeynaa dagaalka aan kula jirno nabad-diidkan dadka ku dhex jira illaa aan ka dhammeeyno dalkeena.”

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay xukuumadda ku garab istaagaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada. “Falalka fuleynimada ah ee argagixisada waxay noqonayaan kuwo nagu guubaabiya in aan midowno, oo aan labalaabno beegsiga kuwa dembiga galaya,” ayuu yiri.

–Dhammaad—

Communication Department
Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia
Email: media@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM @OPMComm

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online