Ra’isul wasaaraha Soomaaliya oo maanta la kulmay saraakiil Talyaani ah [Masawiro]
May 14, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha guud ee Ciidamadda Talyaaniga u qaabilsan hawlgalada dibedda oo Soomaaliya kamid tahay general Batarooni.
Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Taliyaha oo uu goob-joog ka ahaa Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka dalka, tababarada iyo taageerada ay dawladda Talyaanigu siiso Ciidamadda Soomaaliya.
“Talyaanigu waa saaxiibo in muddo ah taageero noo fidinayey, kulankaana wuxuu sii xoojinayaa xiriirka taariikhiga ah ee labada dal. Waxayna dhowr jeer oo hore ugu deeqeen ciidamada qalabka qalab iyo tababaro ay siiyeen ciidamada. Waxaana hadda dalka ku sugan khubaro dhanka ciidamada ah oo naga taageera dhanka tababarada Ciidamadeena”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Gaashaandhiga Soomaaliya Gen. Maxamed Xasan Xaamud oo kulanka kaddib shir Jaraa’id saxaafadda u qabtay ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha iyo Taliyuhu ay ka wada hadleen sidii loo dar-dar gelin lahaa taageerada dhanka Millatariga ee dawladda Talyaanigu siiso Soomaaliya.
“Maanta magaalada Muqdisho waxaa nagu soo booqday General Bataroni oo ka socday dalka Talyaaniga kaasoo ah u qeybsanaha dawladda Talyaaniga ee hawlgalada dibeddda, sidaad la socotaana Soomaaliya waxaa ka jooga Talyaaniga saraakiil tababar siiya Ciidamadeena, waxaana isla soo qaadnay sidii loo xoojin lahaa xiriirka dhanka milateriga ee ka dhaxeeya labada dal” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo dhinaca kale sheegay in dawladda Talyaanigu ay ballan qaaday kordhinta taageerada ay dawladda Soomaaliya siiyaan.
Xafiiska Raisulwasaaraha DFS
Muqdisho